Ciyaaraha - ENA Af-Soomaali
Ciyaaraha
Tigist Assefa ayaa heshay Buugga Diwaanka Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Caalamiga ah
Apr 28, 2025 36
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Orodyahannad Tigist Assefa, oo jebisay rikoodhka tartanka Marathon-ka London, ayaa heshay aqoonsi rasmi ah oo uga yimid Buugga Diwaanka Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Caalamiga ah (World Guinness Book of Records). Tigist ayaa dhigtay rikoodh cusub iyadoo ku orodday 2 saacadood, 15 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi tartanka Marathon-ka ee ay haweenka oo keliya ka qayb galeen, iyadoo aysan jirin rag tartanka ka qayb qaadanayay.
Liifarbuul ayaa markii 20-aad xaqiijisay hanashada Horyaalka Briimar Liigga Ingiriiska.
Apr 28, 2025 37
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 19/2017 (ENA): Kooxda kubadda cagta Liifarbuul ayaa 5-1 ku garaacday Tootanhaam Hotspar kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka Briimar Liigga. Goolasha guusha ayaa waxaa u dhaliyay Luwiis Diyas, Muxammed Salaax, Koodhi Gakbo, Aleeksis Makalistar iyo goolkii shanaad uu iska dhaliy laacibka Tootanham Odujee, oo Tottenham u ciyaara, halka uu Solanke goolka qura u dhaliyay Tootanhaam. Natiijadii ka dib, Liifarbuul ayaa xaqiijisay hanashada horyaalkeedii 20-aad iyadoo leh 82 dhibcood iyo afar ciyaarood ka hadhan yahay gabagabda horyaalkaas. Tani waxa ay ka dhigeysaa in Liifarbuul ay ku jirto rikoorka ah in ay ku guuleysato horyaalka marar badan iyada oo ay iska mid ka tahay, kooxda ay xafiiltamaan ee Manjistar Yunaytidh.
Itoobiya ayaa ku guulaysatay tartanka orodka dumarka ee 1,500 mitir
Apr 28, 2025 36
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Tartanka ciyaaraha ee Ururka Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika ee 5-aad, Itoobiya ayaa dhammaan billadaha ka qaadatay tartanka orodka dumarka ee 1,500 mitir. Iyadoo la xusayo sanad-guurada 116-aad ee aas-aaska Booliska Itoobiya, ayaa maanta xafladda furitaanka tartanka ciyaaraha ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika lagu qabtay garoonka Abebe Bikila Stadium ee Addis Ababa. Xafladda furitaanka waxaa lagu qabtay tartamada orodka dumarka ee 1,500 mitir iyo orodka ragga ee 400 mitir oo isdhaafsi ah. Tartanka orodka dumarka ee 1,500 mitir, saddexda orodyahan ee Itoobiya u metelayay – Worqnesh Mesela, Yenenesh Shimelket iyo Matebe Feqadhu – ayaa sida ay u kala horeeyaan u galay kaalmaha 1aad ilaa 3aad, iyagoo dhammaan billadaha hantay. Tartanka orodka ragga ee 400 mitir, Kenya ayaa kaalinta 1aad gashay, Itoobiya 2aad, halka Tansaaniya ay 3aad gashay. Ciyaartoyda guuleysatay ayaa billadaha ka gudoomay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya, Tamamagan Tiruneh. Tartankan ciyaareed ee 5-aad ee Ururka Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika, oo ay Itoobiya ku jirto iyo toddobo dal oo kale, waxa uu socon doonaa ilaa 25-ka bisha May, 2017 T.I. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Waxaa taageero loo fidin doonaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha Jimnaastiga Itoobiya – Morinaare Watanabe
Apr 3, 2025 187
Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 25/2017 (ENA): – Morinaare Watanabe, oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Jimnaastiga Adduunka, ayaa sheegay inay bixin doonaan taageerada lagama maarmaanka u ah horumarinta Jimnaastiga Itoobiya. Guddoomiyaha ayaa wuxuu laba maalmood ku sugnaa dalka Itoobiya; wuxuuna kulamo la qaatay madaxda wasaarada dhaqanka iyo ciyaaraha iyo gudiga Oloombikada Itoobiya,madaxwaynaha iyo madaxda xidhiidhka jimnaastiga ee Itoobiya iyo madaxda xidhiidhka jimnaastiga ee Addis Ababa. Madaxwaynuhu wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah in uu taageero dhaqaale iyo mid agab ahba ku bixiyo horumarinta Jimnaastiga Itoobiya iyo in uu sii wado la shaqaynta Xidhiidhka Jimnaastiga Itoobiya. Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xiriirka Jimicsiga ee Itoobiya in uu sii wado shaqadiisa, wuxuuna ugu baaqay daneeyayaasha dhanka ciyaaraha in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan kobaca ciyaarahan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la sii wado xoojjinta xiriirka caalamiga ah iyo tababarrada. Gudoomiyaha Xidhiidhka Jimnaastiga Itoobiya mudane Taakele ayaa sheegay in uu xidhiidhku sii wadi doono sidii loo samayn lahaa xidhiidh caalami ah iyo mid qaaradeed oo kani lamid ah. Gabagabdii, wasaaradda dhaqanka iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Morinaare Watanabe oo ah Madaxa Xiriirka Jimnaastiga Adduunka uu booqday Mashaariicyada horumarineed ee ka socda Addis Ababa.
Madaxweynaha Federeeshinka Caalamiga ah ee Gymnastics-ka ayaa soo gaaray Addis Ababa
Apr 1, 2025 170
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 23/2017 (ENA): Madaxweynaha Federeeshinka Caalamiga ah ee Gymnastics-ka, Morinare Watanaabe, ayaa maanta subaxdii gaaray Addis Ababa si uu booqdo dhaqdhaqaaqa Gymnastics ee Itoobiya. Markii uu madaxweynaha soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Bole, madaxweynaha Federeeshinka Gymnastics ee Itoobiya, mudane Gebeyaw Takele, iyo xubnaha Guddiga Fulinta ee Federeeshinka ayaa soo dhaweeyay. Madaxweynaha Federeeshinka Caalamiga ah ee Gymnastics-ka, Morinare Watanaabe, ayaa sheegay in inta uu joogayo Itoobiya uu sameyn doono qiimeyn ku saabsan heerka uu ka gaarey Gymnastics-ka ee Itoobiya, sida uu sheegay xoghayaha Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale qorsheynayaa inuu booqdo goobo tababarka ciyaaraha iyo inuu la kulmo hoggaamiyeyaasha Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha. #Ethiopian_News_Agency #Ethiopia #Gymnastics #Sports
Xulka qaranka Itoobiya iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa caawa isreeb-reebka Koobka adduunka ee kubadda cagta isla ciyaari doona
Mar 24, 2025 218
Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 15, 2017 (ENA) – Xulka qaranka Itoobiya ayaa maanta la ciyaari doona xulka qaranka Jabuuti kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka 23-aad ee qaaradda Afrika. Ciyaarta u dhaxeysa labada dal ayaa ka dhici doonta garoonka Al- Cabdi ee magaalada Al-Jediika ee dalka Morooko, marka aya saacaddu tahay 12:00 habeennimo. Itoobiya ayaa guuldaro labo iyo eber ah kala kulantay dhiggeeda Masar kulankeedii shanaad ee guruubyada maalmo ka hor. Waxa ayn ku haatan ku sugan tahay kaalinta shanaad ee guruubka koowaad iyadoo leh saddex dhibcood. Jabuuti ayaa guuldaro afar iyo hal ah kala kulantay xulka qaranka Burkiina Faaso ciyaartii hore. Waxa ayna ku sugan tahay kaalinta lixaad iyagoo leh hal dhibic kaliya. Xidhiidhka kubbada cagta Itoobiya ayaa sheegay in xulka qaranka Itoobiya oo uu hogaaminayo tababare Mesay Teferi ay shalay sameeyeen tababarkii ugu dambeeyay ee diyaargarowga ciyaarta. Koobka Adduunka ee 23-aad ee FIFA ayaa la qaban doonaa sanadka 2026-ka T.Y, waxaana qabanaya Mareykanka, Kanada iyo Meksiko. Markii ugu horeysay taariikhda tartanka waxaa ka qeyb galaya 48 wadan. Si ay uga qayb galaan Koobka Adduunka, 54 waddan oo Afrikaan ah ayaa loo qaybiyay sagaal guruub, waxaana ciyaaraya ciyaaraha isreebreebka. Afrika ayaa si toos ah uga qeyb gali doonta 9 wadan oo ka tirsan koobka aduunka, waana kororka ka qaybqaadashadii hore ee 5 waddan. Haddii xul Afrikaan ah uu guul ka gaaro isreeb-reebka wadamada qaaradaha kale, wuxuu noqonayaa waddankii 10-aad ee matala qaaradda.
Tartanka 10-aad heer Magaalo ee Tartanka Ardayda iyo Macallimiinta Heer Magaalo Maanta Bilaabanaya
Mar 22, 2025 209
Addis Ababa, Cuur/Megabit 13/2017 (ENA) – Tartanka 10-aad ee isboortiga ardayda iyo macallimiinta heer Magaalo ayaa maanta ka furmaya garoonka Addis Ababa Stadium. Tartanka ahaa halkudhig looga dhigay "Anagoo tartanka Isboortiga Dugsiyada Dhaqan u yeelayna, waxaan abuureynaa jiil caafimaad qaba, firfircoon, oo karti leh". Xogta laga helayo Xafiiska Waxbarashada ee Maamulka Magaalada Addis Ababa,ayaa sheegaysa in tartankan ay si wadajir ah u soo agaasimay Xafiiska Waxbarashada ee Addis Ababa iyo Xafiiska Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Addis Ababa. #Ethiopia #Ethiopian_News_Agency #ENA
Orodyahanadda Dumarka ee Itoobiya ee ka qaybgalaya orodka 800 Mitir ayaa Gaadhay siddeed dhamaadka
Mar 21, 2025 96
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 12/2017 (ENA): Tartanka 20-aad ee Ciyaaraha Guriga Adduunka ayaa ka bilowday Nanjing, Shiinaha. Tartankan, saddex ciyaartoy oo u ciyaaraysay Itoobiya orodka 800 mitir ee dumarka ayaa u gudbay siddeed dhamaadka. Ciyaartoydii u gudubtay siddeed dhamaadka ayaa waxaa ka mid ah Habtaam Alam, Tsige Dhuguma, iyo Nigist Geetaajaw. Maanta, orodyahnnadan ayaa ku tartami doona tartanka 1,500 ee mitir ee dumarka oo bilaabmaya 7:33 duhurnimo, iyadoo tartanka 1,500 mitir ee ragga uu bilaaban doono 8:18 duhurnimo, sida ay sheegtay warbixinta ururka Federeeshinka.
Batrise Motsebe ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha CAF
Mar 12, 2025 103
Addis Ababa, Cuur/Megabit 3, 2017 (ENA) – Dr. Batrise Motsebe ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee (CAF). Shirweynaha 14-aad ee degdegga ah ee CAF ayaa maanta lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Shirweynaha guud ayaa dib u doortay Dr. Patrice Motsepe oo ah 63 jir, si uu u hoggaamiyo CAF afar sano oo kale. Motsepe ayaa xilka madaxweynenimada CAF hayay tan iyo 2021kii. Shirweynaha waxaa ka qayb galay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Itoobiya, ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta ee CAF, Mudane Isayas Jira, madaxweyne ku-xigeenka, Dr. Dagnechaw Nigatu, iyo xoghayaha guud ee xiriirka, Mudane Bahiru Tilahun, oo matalayay Itoobiya. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya
Dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bahirdhaar ayaa gabo gabo ah maraya – MudaneTamasgan Tiruneh
Mar 4, 2025 131
Addis Ababa; cirir/yakaatiit 25/2017 (ENA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Tamasgan Tiruneh ayaa sheegay in dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bahirdhaar uu gabgabo marayo. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bartiisa baraha bulshada ku sheegay in garoonka uu wax badan ka bedelay qaabkii uu u ekaa markii uu kormeer u yimid 6 bilood ka hor. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhismaha garoonka uu gaaray gabagabo, islamarkaana iyadoo la ilaalinayo heerarka caalamiga ah ee CAF iyo FIFA marka la dhisayo dhammaan kaabayaasha horumarka ee garoonka. Wuxuu sheegay in garoonka weyn ee Bahirdhaar uu fursad lagu martigelin karo tartamada qaaradaha iyo kuwa caalamiga ah u abuuri doono dalkeenna. Waxa kale oo uu intaasi ku daray dhismaha garoonkani wax weyn ku soo kordhinayo bilicda magaalada, isha dhaqaalaha iyo soo noolaynta bahda ciyaaraha. Gabagabadii waxa uu sheegay in si buuxda loo dhameystiri doono dhismaha dhamaadka sanadkan, islamarkaana la bilaabi doono martigelinta ciyaaraha .
Labada Hay’adood ayaa ka wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinaca ciyaaraha
Mar 4, 2025 114
Addis Ababa,Cirir/yekatit 25, 2017 (ENA) – Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya, Jeneraal Demelash Gebremichael, ayaa maanta xafiiskiisa wadahadal kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha, shawit shaanka, iyaga oo ka hadlay iskaashiga ka dhexeeya labada hay’adood. Jeneraalka ayaa sheegay in Booliska Federaalka Itoobiya uu yahay hay’ad balaadhan oo ay ku jiraan hogaamin iyo xubno boolis ah oo si xirfad leh u guta waajibaadkooda, isla markaana astaan u ah midnimada qaran ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in tartamada ciyaaraha ee ka dhex socda booliska Itoobiya ay door weyn ka ciyaarayaan xoojinta midnimada gudaha ee ciidanka. Jeneraalka ayaa tilmaamay in dhismaha hay’ad boolis oo suurtagelin karta midnimo qaran iyadoo la adeegsanayo dhaqanka, farshaxanka, iyo ciyaaraha ay tahay mid si guul leh loo hirgelinayo. Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha, Shawit Shaanka, ayaa dhankeeda xustay in ciyaaruhu ay u baahan yihiin maalgelin ballaaran, loona baahan yahay in la isticmaalo siyaabo kala duwan oo dhaqaale lagu abuuri karo si kor loogu qaado horumarinta ciyaaraha. Waxaa sidoo kale ay xustay in Itoobiya ay si wadajir ah ula shaqeynayso Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha si ay u martigeliso tartanka ciyaaraha booliska ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Taliyeyaasha Booliska Bariga Afrika. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay Booliska Federaalka Itoobiya dib u bilaabidda tartanka ciyaaraha booliska, oo horay u joogsaday. waxayna sheegtay in tartankaasi uu door weyn ka ciyaarayo kor u qaadista ciyaartoyda ku matali doonta dalka heer caalami, taasoo ah arrin lagu farxo. Wasiirku waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in wasaaraddu ay sii wadeyso iskaashiga ay la leedahay Booliska Federaalka Itoobiya si loo xoojiyo ciyaaraha iyo Xirfadaha. Ugu dambeyn, wasiirku waxay booqatay qeybaha farsamada casriga ah ee Booliska Federaalka, sida ay sheegayso warbixinta laga helayo ha'yada. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Kooxda Booliska Soomaalida ayaa Booliska Diri Dhaba kaga badiyay 6 iyo 0
Mar 3, 2025 115
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 24/2017 (ENA): Kooxda kubadda Cagta Booliska DDS ayaa 6 gool iyo waxba ugu awood sheegtay dhigooda Booliska Ismaamulka Magaladda Diri Dhaba. Kulankan ayaa katirsanaa tartanka kubadda cagta Booliska Dawladd Deegaannada iyo labada Ismaamul Magaalo ee dalka kaasoo ka socda garoonka kubadda cagta ee Addis Ababa. Kooxda Booliska Soomaalida ayaana kasoo kabsaday guuldaradii kasoo gaadhay dhigooda federal Booliska.
Orodyahan Taamirat Toola iyo orodyahan Simbo Alamaayahu ayaa loo doortay orodyahanada ugu wanaagsan sannadkan
Dec 2, 2024 346
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 23/2017T.I.(ENA): Orodyahan Taamiraat Toola ayaa ku guuleystay abaalmarinta orodyahanada ugu wanaagsan ee tartamada waddooyinka sannadkan, isagoo ka soo muuqday tartamo caalami ah oo uu guulo kasoo hoyiyay. Orodyahan Taamirat ayaa sidoo kale lagu xusuusan karaa inuu sannadkan olambikada Paris ku guuleystay billadda dahabka ah, isagoo u keenay dalkiisa guusha ugu saraysay ee tartankaas. Dhanka kale, orodyahan Simbo Alamaayahu ayaa ku guuleysatay abaalmarinta orodyahannada da'da yar ee ugu wanaagsan sannadkan, sida ay shaacisay xogta caalamiga ah ee cayaaraha fudud. Orodyahan Simbo oo matalaysay dalkeeda ayaa tartamada 3,000 mitir kaqaybgashay, iyadoo ka qeybgashay Koobka Adduunka ee ciyaaraha Budhabest iyo ciyaaraha Olambikada ee Paris, natiijooyin heer sare ahna ay kasoo hoyisay. Orodyahannnada ugu wanaagsan tartamada waddooyinka ee dhanka dumarka waxaa iyana ku guulaysatay Sifan Xasan oo u oroda dalka Netherlands.
Warqwuha Geetaajaw ayaa ku guuleysatay billadda dahabka ee Tartanka 2aad ee Ciyaaraha Ciidamada Afrika
Nov 28, 2024 337
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 19/2017T.I.(ENA): Warqwuha Geetaajaw, oo ka tirsan ciidanka difaaca Itoobiya, ayaa ku guuleysatay billadda dahabka ee tartanka 3,000 mitir ee orodka ee Tartanka 2aad ee Ciyaaraha Ciidamada Afrika , kaasoo ka dhacay magaalada Abuuja ee dalka Nigeria. Guushan waxay u noqotay billaddii labaad ee dahab ah oo ay shaqsiyan ku guuleysato, halka sidoo kale ciidanka difaaca Itoobiya ay markii lixaad ay ku guulaysteen tartankan. Tartanka 3,000 mitir, oo ahaa mid aad u adag, ayay Ba'alamlaay Shumat kusoo bandhigtay qaab ciyaareed heer sare ah, iyadoo kaalinta labaad ka gashay tartanka. Inta lagu jiro tartanka ciyaaraha, kooxda ciyaaraha ee ciidanka difaaca Itoobiya waxay ku guuleysteen 6 billadood oo dahab ah, 7 billadood oo bir ah, iyo 2 billadood oo naxaas ah, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 15 billadood, sida ay xaqiijiyeen wararka kasoo baxay ciidanka difaaca Itoobiya.
Itoobiyaanku waxay leeyihiin soodhawayn la yaab leh oo quluubta dadka ku jiri karta - Madaxweynaha CAF Batris Motsebe (Dr.)
Oct 23, 2024 539
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 13/2016T.I.(ENA): Itoobiyaanku waxay leeyihiin soodhawayn la yaab leh oo ku jiri karta quluubta dadka, ayuu yiri Batris Motsebe (Dr.), madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika (CAF). Madaxweynaha ayaa xalay lagu sii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ew Bole. Wasiirka Dhaqanka iyo Isboortiga Shawiit Shaankaa iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya Isaayaas Jira ayaa sagootiyay Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta iyo martiqaadka ay u samaysay dawladda Itoobiya. Intii aan Adis-ababa joogay waxa aan arkay in Itoobiyaanku ay leeyihiin dhaqan aad u qurux badan, marti-soor iyo ixtiraam badan. Sida ay sheegayso xogta aan kahelayno Wasaarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha, Madaxweynaha ayaa u yimid qabashada shirweynaha 46-aad ee CAF, waxaana uu shaaca ka qaaday in si wanaagsan uu kusoo dhamaaday shirka.
Giyanni Infantino, oo ah madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa la sagootiyay
Oct 22, 2024 532
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 12/2016T.I.(ENA): Giyanni Infantino oo ah gudoomiyaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa laga sagootiyay garoonka caalamiga ah ee Bole. Waxaa la og yahay in madaxweynaha FIFA Giyaanni Infantino uu shalay soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirweynaha 46-aad ee caadiga ah ee xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF).
Shirweynihii 46-aad ee CAF oo lagu qabanayo dalka Itoobiya waxa uu dib u soo noolayn u samayn doonaa kubbadda cagta dalkeena
Oct 22, 2024 389
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 12/2016T.I.(ENA): Xidigaha kubbada cagta aduunka ee Africa ayaa iyaguna shirkan ku sugan magaaladeena. Waxaan si kal iyo laab ah u rajaynaynaa in shirku ku dhamaado guul”. - Ra'iisul Wasaare ku xigeen Tamasgan Tirunah
Madaxweynaha FIFA Giyanni Infantino ayaa soo gaaray Addis Ababa
Oct 22, 2024 401
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Madaxweynaha FIFA Giyanni Infantino ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirweynaha 46-aad ee xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Bole, waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gadhiyoon Timootiyoos, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika Batris Motsebe (Dr.) iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya Isaayaas Jira.
Xoghayaha guud ee FIFA iyo Madaxweyne ku xigeenka CAF ayaa soo gaaray Addis Ababa
Oct 21, 2024 279
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Xoghayaha guud ee FIFA Laars Nils Matiyaas Girafistroom iyo Madaxweyne ku xigeenka saddexaad ee CAF Suleymaan Waaberi ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qeybgalaan shirweynaha 46-aad ee CAF. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Xuriya Cali, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo agaasimaha guud ee habmaamuuska ee wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Malaaku, ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Bole, sida ay sheegayso xogta aan ka helnay wasaaradda arrimaha dibadda.
Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa Marwo Adhaanej Abebe ayaa munaasabad soo dhawayn ah ugu sameeysay madxafka xuska guushAdwa madaxwaynaha ururka CAF
Oct 21, 2024 259
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa Marwo Adhaanej Abebe ayaa ku soo dhaweeysay madxafka xuska guusha Adwa Madaxweynaha CAF Baatris Motsebe oo Addis Ababa u joogay ka qayb galka shirwaynaha 46-aad ee xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF. Xogta laga helay xafiiska duqa magaalada ayaa tibaaxaysa in Batris Motsebe iyo ka qayb galayaasha shirka ay booqdeen madxafka xuska guusha Adwa. Ugu dambayntii, waxaa soo dhawaynta iyo booqashadaba goobjoog ka ahaa Marwo Adhaanej Abebe iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiiro heer federaal ah.