Itoobiya oo xoojineysa doorka haweenka iyo dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadeed, si ay uga qayb qaadato nabadda iyo barwaaqada waarta ee Afrika - ENA Af-Soomaali
Itoobiya oo xoojineysa doorka haweenka iyo dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadeed, si ay uga qayb qaadato nabadda iyo barwaaqada waarta ee Afrika
Addis Ababa, 26 Dirir 2018 (ENA) – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Itoobiya, Dr. Aklilu Tadesse, ayaa sheegay in Itoobiya, iyadoo ku ku dhamaysa falsafadda Medemer (wada-jir), ay xoojinayso doorka haweenka iyo dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadeed, si ay uga qayb qaadato xaqiijinta nabad waarta iyo barwaaqada Afrika.
Shirweynaha Labaad ee Xisbiyada Siyaasadeed ee Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa.
Shirweynahan oo muddo saddex maalmood ah ka socon doona Xarunta Xuska Guusha Adwa, laga bilaabay maanta halku-dhiggiisu yahay “Hoggaaminta Horumarka: Xisbiyada Siyaasadeed oo ah Naqshadeeyayaasha Mustaqbalka Dhaqaale ee Afrika.”
Maanta waxaa sidoo kale socda munaasabadda furitaanka Madasha Wadajirka ah ee Hoggaaminta Siyaasadeed ee Haweenka iyo Dhallinyarada Afrika.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Itoobiya, Dr. Aklilu Tadesse, ayaa soo dhaweeyay haweenka iyo dhallinyarada ka kala yimid dalalka Afrika ee ka qaybgalaya madasha, isagoo ku yiri: Ku soo dhowaada Itoobiya, dhulkii taariikhiga ahaa ee ilbaxnimada.
Wasiirku waxa uu sheegay in hal-ku-dhigga Shirweynaha Xisbiyada Siyaasadeed ee Afrika uu yahay ajande muhiim ah oo si weyn u taabanaya xaaladda iyo baahiyaha maanta ka jira qaaradda Afrika.
Waxa uu xusay in shirweynuhu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta hay’adaha u adeegaya himilooyinka wadajirka ah ee Afrika, si jiilka soo socda loogu wareejiyo qaarad barwaaqo ah.
Waxa kale oo uu tilmaamay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay ka-qaybgalka firfircoon ee haweenka iyo dhallinyarada, isagoo dhallinyarada ku tilmaamay xoogga horseeda isbeddelka qaaradda, isla markaana ah ilaha nabadda iyo awoodda Afrika.
Dr. Aklilu ayaa sheegay in Itoobiya ay si weyn uga muuqato ka-qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada ee jagooyinka hoggaamineed.
Waxa uu intaas ku daray in haweenka iyo dhallinyaradu door muhiim ah ka qaadanayaan hal-abuurka, ganacsiga, shaqo-abuurka iyo hoggaaminta.
Wasiirku waxa uu caddeeyay in mowqifka Itoobiya yahay in aan la gaari karin barwaaqo qaran haddii aanay dhallinyaradu si firfircoon uga qayb qaadan horumarka dalka, isagoo ku tilmaamay dhallinyarada naqshadeeyayaasha isbeddelka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in aanay ku filnayn oo keliya in haweenka iyo dhallinyarada laga qaybgeliyo arrimaha siyaasadda, balse ay muhiim tahay in la aamino, lana xoojiyo ka-mid-noqoshadooda iyo awooddooda go’aan-qaadasho.
Ugu dambayn, waxa uu sheegay in haweenka iyo dhallinyaradu ay si ku filan uga qayb qaataan maamulka iyo hoggaaminta, gaar ahaan dhinacyada isbeddelka tiknoolajiyadda iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirku waxa uu xusay in falsafadda Medemer ee dowladda Itoobiya ay ku dhisan tahay in guul lagu gaaro midnimo iyo wadajir, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhallinyaradu leeyihiin door lama huraan u ah xaqiijinta Afrika nabdoon oo barwaaqo ah.
Inta uu shirku socdo waxaa si gaar ah looga doodi doonaa doorka xisbiyada siyaasadeed ee dhismaha dhaqaale guuleysta, maareynta maaliyadda dowladda, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay, la qabsiga isbeddelka cimilada, horumarinta cagaaran iyo warshadaynta.
Waxaa la filayaa in Itoobiya ay door muuqda ka qaadato doodaha iyo isweydaarsiga fikradaha ee shirweynaha.