XULKA ITOOBIYA OO WAJAHAYA DHIGGODA SUUDAAN KULANKA ISREEB-REEBKA KOOBKA QARAMADA AFRIKA - ENA Af-Soomaali
XULKA ITOOBIYA OO WAJAHAYA DHIGGODA SUUDAAN KULANKA ISREEB-REEBKA KOOBKA QARAMADA AFRIKA
Addis Ababa , Koxdin 15- 2019 (ENA) – Xulka qaranka Itoobiya ayaa maanta ciyaaraya kulankoodii ugu horreeya ee Group-ka 10-aad ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee 36-aad, isagoo la ciyaaraya xulka qaranka Suudaan..
Kulanka labada dal ayaa maanta ka dhacaya garoonka Qaranka Juba, waxaana la ciyaari doonaa saacdau markay tahay 4:00 pm
Xulka qaranka Itoobiya oo uu hoggaaminayo tababare Yohannes Sahle ayaa muddo ka badan hal bil gudaha dalka ugu diyaargarowayay kulamada isreeb-reebka ee uu la yeelanayo Suudaan iyo Senegal.
Tababare Yohannes ayaa marxaladdii ugu horreysay u yeeray 39 ciyaartoy, balse intii uu socday diyaar-garowga ayuu tirada xulka kama dambaysta ah ku soo koobay 23 ciyaartoy.
Intii uu gudaha dalka ku jiray diyaar-garowga, xulka ayaa kulamo tijaabo ah la ciyaaray xulka qaranka Itoobiya ee da’doodu ka yar tahay 20 sano, Hawassa City iyo Quudhus Gorgis .
Xulka “Walia” ayaa Talaadadii, 12-ka Meskerem 2019, gaaray magaalada Juba, halkaas oo ay ku sii wateen diyaar-garowgooda kulanka ay la ciyaarayaan xulka Suudaan.
Xulka qaranka Suudaan oo uu hoggaaminayo tababaraha reer Ghana ee 66-jirka ah, James Kwesi Appiah, ayaa muddo ku dhow laba toddobaad u diyaargarowayay kulankan, isagoo wata 33 ciyaartoy.
Xulka qaranka Suudaan ayaa markii hore diyaar-garowgiisa ku sameeyay Sacuudi Carabiya, kaddibna qaybtii ka hartay diyaar-garowga wuxuu ku qaatay Koonfurta Suudaan.
Itoobiya iyo Suudaan waa laba dal oo raad weyn ku leh taariikhda kubadda cagta Afrika.
Labada dal ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalay Koobkii Qaramada Afrika ee lagu qabtay Suudaan sannadkii 1957.
Waxay sidoo kale ka mid ahaayeen dalalkii aasaasay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), kaas oo la aas-aasay isla sannadkaas.
Labada dal ayaa markii ugu horreysay isku arkay kulan saaxiibtinimo oo caalami ah sannadkii 1956, markaas oo Itoobiya ay 2–1 ku adkaatay.
Waxay sidoo kale isku arkeen Koobkii Qaramada Afrika ee labaad, kaas oo sannadkii 1959 lagu qabtay Masar.
Kulankaas, Suudaan ayaa 1–0 ku adkaatay.
Labada dal ayaa 70-kii sano ee uu socday tartankooda, 41 jeer isaga hor yimid kulamo tartan iyo saaxiibtinimo ah.
Kulamadaas, Suudaan ayaa 16 jeer guuleysatay, halka Itoobiya ay badisay 14 kulan. 11-ka kulan ee kale waxay ku kala baxeen barbaro.
41-ka kulan ee labada xul ay wada ciyaareen, Itoobiya ayaa dhalisay 59 gool, halka Suudaan ay shabaqa soo taabatay 57 gool.
Labada xul ayaa markii ugu dambeysay kulmay sannadkii 2022.
Kulankaas oo ahaa ciyaar saaxiibtinimo oo lagu qabtay garoonka Abebe Biqila Stadium, waxay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.
Kulanka ay wada ciyaarayaan labada dal ee meel weyn ku leh taariikhda kubadda cagta Afrika ayaa soo jiitay dareenka taageerayaasha iyo bahda ciyaaraha.
Itoobiya ayaa kulankeeda labaad ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ciyaari doonta Talaadada, 19-ka Meskerem 2019, iyadoo la kulmi doonta Senegal.
Koobka Qaramada Afrika ee 36-aad ayaa sannadka 2027 lagu qaban doonaa si wadajir ah dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania.
Tartanka qaaradda ayaa la qaban doonaa laga bilaabo Sane 12 ilaa Hamle 10-keeda 2019, waxaana lagu ciyaari doonaa toddobo garoon oo ku yaalla saddexda dal ee Bariga Afrika.
Tartanka waxaa ka qaybgalaya 24 dal xulkooda.
21-ka xul ee kale ee u soo gudbi doona Koobka Qaramada Afrika waxaa lagu kala saari doonaa kulamada isreeb-reebka. Sidaas darteed, 48 dal ayaa loo qaybiyay 12 kooxood, kuwaas oo ciyaari doona kulamada isreeb-reebka.