ITOOBIYA AYAA KU GUULEYSTAY MARATHON-KA BERLIN EE RAGGA IYO DUMARKA - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA AYAA KU GUULEYSTAY MARATHON-KA BERLIN EE RAGGA IYO DUMARKA
Addis Ababa, Koxdin,17,2019(ENA) Waxaa maanta subaxnimadii magaalada Berlin lagu qabtay tartanka 52-aad ee Marathon-ka Berlin.
Dhanka dumarka, orodyhanada Tigist Assefa ayaa ku guuleysatay tartanka masaafada dheer ee oradka, iyadoo ku soo baxday waqti dhan 2 saacadood, 11 daqiiqo iyo 4 ilbiriqsi.
Tigist Assefa ayaa markii saddexaad ku guuleysatay Marathon-ka Berlin.
Dhanka ragga, orodyahanka Guye Adhoola ayaa kaalinta koowaad galay, isagoo ku dhammaystay waqtiga 2 saacadood, 2 daqiiqo iyo 51 ilbiriqsi.
Guye Adhoola ayaa tartankan hore ugu guuleystay shan sano ka hor.
Ugu dambayn waxaa la xusuustaa inuu sanadkii hore kaalinta afraad ku soo gabagabeeyay tartanka.
,