Magaalada Dhagaxbuur ayaa si rasmi ah looga furay tartanka ciyaaraha fudud - ENA Af-Soomaali
Magaalada Dhagaxbuur ayaa si rasmi ah looga furay tartanka ciyaaraha fudud
Magaalada Dhagaxbuur ayaa si rasmi ah looga furay tartanka ciyaaraha fudud ee degmooyinka gobolka Jarar, kaas oo ay ka qeybgalayaan shan degmo oo kala ah Birqod, Gunagado, Awaare, Yoocaale iyo Araarso.
Tartankan oo lagu furay orodka 100-ka mitir iyo 800-ka mitir, ayay kasoo qeybgaleen gudoomiyaha gobolka Jarar mudane Axmed Xuseen Axmed, duqa maamulka magaalada Dhagaxbuur mudane c/xakiin Macalin Ciwal, gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee DDS, cabdiqaadir Muxumed, iyo masuuliyiinta xafiisyada iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Jarar iyo maamulka magaalada Dhagaxbuur
Tartankan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu hormarinayo ciyaaraha fudud, laguna soo saarayo dhallinyarada hibada leh iyo xoojinta isdhexgalka dhallinyarada gobolka Jarar.
XIGASHO :- SRTV