MARATOONK AMSTERDAM OO AY KU GACAN SARREEYEEN ORODYAHANNADA ITOOBIYA

Addis Ababa,Dirir,Tiqimti, 8/2019 (ENA) Orod-yahannada Itoobiya ee Lemi Birhanu iyo Buze Diriba ayaa ku guuleystay tartanka maratoonka TCS Amsterdam ee sannadka 2026, iyaga oo kala galay kaalinta koowaad tartanka ragga iyo haweenka.

 

Orodyahan Lemi Birhanu ayaa ku guuleystay tartanka ragga, isaga oo ku soo dhammeystay waqtiga 2 saacadood, 3 daqiiqo iyo 33 ilbiriqsi.

 

Sidoo kale, orodyahanadda Buze Diriba ayaa ku guuleysatay tartanka hawenka iyada oo ku soo dhammeystay waqtiga 2 saacadood, 16 daqiiqo iyo 10 ilbiriqsi.

Intaa waxaa dheer, Buze Diriba ayaa jebisay rikoodhkii hore ee tartanka maratoonka hawenka ee Amsterdam.

 

Guushan ayaa ka dhigan in orodyahannada Itoobiya ay ku guuleysteen tartamada ragga iyo hawenka, iyaga oo muujiyey awoodda iyo heerka sare ee ciyaartoyda Itoobiyaanka ah ee tartamada caalamiga ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015