ORODYAHAN YOOMIF QEJELJA OO JABIYAY RIKOODHKA ADDUUNKA EE NUS-MARATOONKA - ENA Af-Soomaali
ORODYAHAN YOOMIF QEJELJA OO JABIYAY RIKOODHKA ADDUUNKA EE NUS-MARATOONKA
Addis Ababa, Nahaase 17,2018 (ENA) Orodyahanka Itoobiyaanka ah ee Yoomif Kejelja ayaa rikoor cusub oo adduunka ah ka dhigay orodka nus-maratoonka, kaddib markii uu tartan ka dhacay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.
Orodyahanka Yoomif Qejelja ayaa masaafada nus-maratoonka ku dhammeystay 56 daqiiqo iyo 51 ilbiriqsi, isagoo sidaas ku dhigay rikoor cusub oo adduunka ah.
Oradayahan Yoomif Qejelja ayaa rikoodhkii hore ee 57 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi, oo uu lahaa orodyahanka reer Uganda ee Jacob Kiplimo, ku jabiyay 29 ilbiriqsi.
Guushan ayaa Yoomif Qejelja ka dhigtay orodyahanka ugu dheereeya adduunka ee masaafada nus-maratoonka, isagoo mar kale magaciisa ku qoray taariikhda ciyaaraha orodka.