Sayniska Iyo Teknoloojiyada - ENA Af-Soomaali
Sayniska Iyo Teknoloojiyada
In la helo sharci adag oo amniga internet-ka Itoobiya ah waa saldhig lagu ilaalinayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka
May 8, 2026 66
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Shacabka ee Arrimaha Dibadda iyo Nabadda ayaa sheegay in sharciga adag ee amniga internet-ka uu muhiim u yahay ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka. Guddoomiye ku xigeenka guddiga, Dr. Fatxi Mahdi, ayaa sheegay in qabyo-qoraalka sharcigan uu ka caawinayo dalka in si ammaan ah loo ilaaliyo kaabeyaasha muhiimka ah, isla markaana uu ka hortagayo khataraha internet-ka. Waxa uu xusay in hay’adaha isticmaalaya tiknoolajiyadda ay si gaar ah ugu nugul yihiin weerarrada internet-ka, sidaas darteedna uu sharcigan door weyn ka ciyaari doono ilaalintooda. Agaasimaha guud ee Hay’adda Maamulka Amniga Shabakadaha Macluumaadka, Tigist Xamid, ayaa sheegtay in hay’addu ay hirgelinayso siyaasado iyo sharciyo kala duwan oo lagu xoojinayo amniga internet-ka ee dalka. Waxay sidoo kale sheegtay in sharcigan cusub uu kor u qaadi doono iskaashiga hay’adaha kala duwan iyo in wada shaqayn xooggan ay lagama maarmaan u tahay guusha amniga internet-ka. Waxay intaas ku dartay in Itoobiya ay horumarinayso xirfadlayaal ku filan oo ka shaqeeya amniga internet-ka, isla markaana dadaalladaas la sii xoojin doono. Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa iyaguna sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah, isla markaana ay ka go’an tahay inay ka qayb qaataan hirgelintiisa, gaar ahaan iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Ugu dambayntii, guddoomiye ku xigeenka guddiga ayaa sheegay in talooyinka laga helay kulanka lagu xoojin doono diyaarinta sharciga si loo gaaro amni internet oo adag oo dalka ka hirgala. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Dadka caanka ah ee sameeya nuxurka baraha bulshada waa in ay helaan xorriyad ay si madax-bannaan ugu shaqeeyaan, si loo helo nidaam sharci oo u oggolaanaya in ay si ammaan ah oo xor ah u shaqeeyaan, si loo gaaro guusha Ajandaha 2063
May 8, 2026 89
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Ka qaybgalayaasha dood cilmiyeed ka dhacay Shirweynaha ugu horreeya ee dadka caanka ka ah Baraha Bulshada Afrika ayaa sheegay in si loo gaaro Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, ay lagama maarmaan tahay in dadka sameeya nuxurka saameyntana leh ay helaan helaan xorriyad shaqo iyo nidaam sharci oo taageera. Shirkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Pulse of Africa iyo AGA Tech Enterprise, kuna qabsoomay Madxafka xuska Adhwa, ayaa lagu qabtay halku-dhigga “Doorka Dadka saamaynta leh si ay Afrika u noqoto mid wanaagsan”. Shirkan ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta dadka saameynta ku leh baraha bulshada, xoojinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, abuurista iskaashi, iyo gaarista himilooyinka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika. Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale ka wada hadlayeen sidii Afrika u dhisi lahayd sheekadeeda gaarka ah, kor loogu qaadi lahaa kalsoonida qaaradda, loona abuuri lahaa aqoonsi Afrikaan oo mideysan. Safiirka ku-xigeenka joogtada ah ee Itoobiya ee Midowga Afrika, Berhaane Dhariba, ayaa sheegay in Ajandaha 2063 uu yahay qorshe 50 sano ah oo lagu hagayo mustaqbalka Afrika, laguna doonayo in qaaraddu noqoto mid isku dhafan, nabad ah oo barwaaqo ah. Waxa uu xusay in dalalka Afrika ay muhiim tahay in ay siyaasadohooda ku daraan qorshayaasha Midowga Afrika si loo gaaro horumar wadajir ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay horumar weyn ka sameyneyso isbeddelka dhijitaalka ah, isla markaana ay noqotay tusaale lagu dayan karo. Dhinaca kale, khubarada ayaa sheegay in shaqooyinka dhijitaalka ah ee Itoobiya uu u suurtageliyay sameeyayaasha nuxurka baraha bulshada fursado ballaaran oo ay ku shaqeeyaan. Qareenka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, Dr. Ashagre Cabdi, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la abuuro sharciyo iyo nidaam shaqo oo u oggolaanaya dadka saameynta leh in ay si xor ah oo aan cadaadis lahayn u shaqeeyaan. Sidoo kale, waxaa carrabka lagu adkeeyay in dhalinyarada Afrika ay yihiin hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee dhijitaalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la abuuro jawi u oggolaanaya in ay si xor ah u hal-abuuraan iyagoo ilaalinaya madaxbannaanida dalalkooda. Ugu dambeyntii, ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in si loo gaaro Ajandaha 2063, loo baahan yahay in la xoojiyo ka shaqeynta dhalinyarada iyo in la taageero dadka sameeya nuxurka baraha bulshada si ay u gutaan waajibaadkooda. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Waxaa loo baahan yahay in fursadaha garaadka macmalka ah si habboon loo adeegsado si xaqiiqada Afrika loogu soo bandhigo bulshada caalamka
May 8, 2026 85
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Ka qaybgalayaasha shirka dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa sheegay in si loo soo bandhigo xaqiiqada Afrika ee dhabta ah ee dunida, loo baahan yahay in si sax ah loo adeegsado fursadaha garaadka macmalka ah (AI). Shirka ugu horreeya ee dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika, oo ay si wadajir ah u abaabuleen Warbaahinta Pulse of Africa iyo Shirkad Teknooloji ee AGA, ayaa ka socda Addis Ababa. Shirkan oo halku-dhiggiisu yahay “Dadka saamaynta ku leh Afrika iyo mustaqbal wanaagsan”, ayaa waxaa ka qaybgalaya dad ka kala yimid 30 dal oo Afrika ah. Ujeeddada shirka ayaa ah in la dhiirrigeliyo dadka caanka ka ah baraha bulshada, la xoojiyo dhaqaalaha dhijitaalka ah, lana abuuro iskaashi, sidoo kalena lagu gaaro yoolalka Ajandaha Midowga Afrika 2063. Dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa ka wada hadlaya sidii Afrika u dhisi lahayd sheekadeeda gaarka ah, kor loogu qaadi lahaa kalsoonida qaaradda, isla markaana loo abuuri lahaa aqoonsi Afrikaan ah. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Nebiyat Getaajew, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Itoobiya Sayfe Dharbe, Agaasimaha Guud ee Shirkad Teknooloji ee AGA Gemedha Olana, wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo marti sharaf kale. Intii uu shirka socday, waxaa la qabtay dood ku saabsan doorka garaadka macmalka ah (AI) ee abuurista iyo diyaarinta nuxurka baraha bulshada. Agaasimaha qaybta cilmi-baarista habaynta luqadda dabiiciga ah ee Machadka Garaadka Macmalka Itoobiya, Samuel Raxmato, ayaa sheegay in hore AI loo adeegsan jiray kaliya cilmi-baaris iyo shaqo farsamo. Hadda se, isticmaalka AI si weyn ayuu u kordhay, wuxuuna fududeeyay hawlaha maalinlaha ah ee bulshada. Waxa kale oo uu sheegay in horumarka AI uu suurtageliyay abuurista sawirro iyo muuqaallo tayo sare leh oo u eg filin. Sidoo kale, AI ayaa caawinaysa dadka sameeya muuqaalada baraha bulshada. Sidaas darteed, dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika waxaa lagu boorriyay inay AI u adeegsadaan dhismaha sheekada iyo muuqaalka Afrika. Waxaa la adkeeyay in AI loo isticmaalo si loo soo bandhigo dhaqanka iyo taariikhda dhabta ah ee Afrika. Dhinaca kale, Brian Jota oo ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada, ayaa sheegay in AI ay tahay aalad horumarin karta xirfadaha dhijitaalka ah. Ugu dambayntii, Williamlast K.R.M oo ka yimid Botswana ayaa isna sheegay in samaynta muuqaalada aysan kaliya ahayn in laga fekero helida lacag ama tiro dad, balse ay tahay in loo adeegsado dhismaha sheekada Afrika.
Dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa loo arko inay yihiin safiirrada dhaqanka iyo codka jiilka cusub
May 8, 2026 79
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Warbaahinta Pulse of Africa oo kaashanaysa Shirkad Teknooloji AGA ayaa magaalada Addis Ababa, Madxafka Xuska Guusha Adhwa, ku qabatay shirkii ugu horreeyay ee dadka caanka ka ah baraha bulshada ee Afrika. Shirkaas oo lagu qabtay halku-dhigga “Dadka caanka kah baraha bulshada Afrika— Mustaqbal Wanaagsan,” ayaa waxaa ka qayb galay dad saamayn leh oo ka kala yimid 30 dal oo Afrika ah. Ujeeddada shirka ayaa ah in la dhiirrigeliyo dadka saamaynta leh masuuliyadooda, si loo xoojiyo dhaqaalaha dijitaalka ah, loona abuuro iskaashi ballaaran oo Afrika ah. Shirka waxaa lagu falanqeeyay sida Afrika u dhisi karto sheekadeeda gaarka ah, kor loogu qaadi karo kalsoonida qaaradda, loona sameyn karo aqoonsi Afrikaan ah oo mideysan. Gamadha Olaanaa, oo ah Agaasimaha Shirkad Teknoolojiyqda AGA, ayaa sheegay in dadka saamaaynta ku leh baraha bulshada ay tahay inay noqdaan safiirrada dhaqanka Afrika iyo codka jiilka cusub. Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay tahay meel taariikhi ah oo muhiim ah, loona yaqaan halka ay ka soo bilaabatay ilbaxnimooyin badan, sidoo kalena ay leedahay dhaqammo kala duwan iyo horumar dalxiis. Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nebiyat Geetaajew, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Itoobiya Sayfe Dharbe, iyo wakiillo ka socday Midowga Afrika. Gamadha Olaanaa ayaa sheegay in shirkan uusan ahayn oo kaliya kulan, balse uu yahay bilow dhaqdhaqaaq dijitaal oo Afrika ay ku mideysan tahay. Waxa uu ku adkeeyay in dadka saamaynta ku leh baraha bulshada Afrika ay noqdaan kuwa ka sheekeeya taariikhda qaaradda, ilaaliya dhaqanka, isla markaana noqda buundada isku xirta Afrika iyo dunida. Ugu dambayn, shirkan ayaa loo arkaa mid bilow u ah dhaqdhaqaaq dijitaal oo cusub oo Afrika ka dhigi kara meel ay ka soo baxaan dad saamayn caalami ah leh oo Afrika matala. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Ka qaybgalayaasha Shirweynihii ugu horreeyay ee Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika ayaa booqanaya Machadka garaadka Macmalka ah ee Itoobiya.
May 8, 2026 48
Addis Ababa; Duugato 29/2018 (ENA):Ka qaybgalayaasha Shirweynihii ugu horreeyay ee Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika ayaa booqanaya Machadka garaadka Macmalka ah ee Itoobiya. Shirweynihii ugu horreeyay ee Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika (ASMIS 2026), oo ay ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo xaqiiqada dhabta ah ee Afrika adduunka iyo la laqabsashada isbeddelka dijitaalka ah, ayaa kasoconaaya Addis Ababa maanta iyo berri, xarunta xasuusta ee guudha Adwa. 61 saameyn leh oo leh in ka badan 321 milyan oo lasocda baraha bulshada oo ka kala socda 30 waddan oo Afrikaan ah ayaa yimid Addis Ababa si ay uga qayb galaan shir-madaxeedka.. Intaa waxaa dheer, 120 abuureyaal macluumaad Itoobiyaan ah oo leh 150 milyan oo kuxidha ayaa lagu wadaa inay isugu yimaadaan si ay u qoraan taariikh dijitaal ah oo cusub oo ka dhacda Addis Ababa, oo ah xarunta diblomaasiyadda adduunka. Sidaas awgeed, waxay bilaabeen boqashada xubnahan iyagoo qayb ka ah shirkan kasocda Addis Ababa waxay martigelinaysaa taxane dhacdooyin ah oo soo bandhigi doona caasimadeeda Afrika. Shirkadda Pulse of Africa, oo kaashanaysa AGA Technology Enterprises, ayaa qabanqaabinaysa shirka iyadoo cinwaankeedu yahay "Saameeyayaasha Afrika ee ka Wanaagsan." Shirka Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika wuxuu higsanayaa in la xoojiyo saamaynta baraha bulshada ee mas'uulka ah, la xoojiyo dhaqaalaha dhijitaalka ah, la abuuro iskaashiyo, iyo in Addis Ababa laga dhigo xarun dhaqan iyo dhijitaal ah. #Hay'adda_Wararka_Itoobiya #Hay'adda Wararka Itoobiya #adwaspirit #influenceforbetterafrica #ASSIMIS2026 See less
Waa sharaf weyn in la arko guusha la taaban karo ee aragtida qaran ee Bandhigga "Itoobiya Ha soo saarto" ee sanadkan — Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
May 3, 2026 79
Addis Ababa; Duugato 25/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa sheegay inay sharaf weyn tahay in la arko guusha la taaban karo ee aragtida qaran ee Bandhigga "Itoobiya Ha soo saarto" ee sanadkan. Farriin uu ku soo dhigay boggiisa baraha bulshada oo cinwaan looga dhigay "Afar sano oo dadaal joogto ah iyo natiijooyin la taaban karo!", ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Abiy; Waa sharaf weyn in la arko guusha la taaban karo ee aragtida qaran ee Bandhigga "Itoobiya Ha soo saarto" ee sanadkan. Waxa uu sidoo kale sheegay in hoggaankayaga ku salaysan natiijooyinka uu ka muuqday ballaarinta warshadaha ee aan horay loo arag. Waxa uu ku dhawaaqay in celceliska awoodda wax soo saarka ee warshadaha wax soo saarka ay ka korodhay 47 boqolkiiba ilaa 67 boqolkiiba, taasoo soo jiidatay in ka badan 2,800 oo maalgashi toos ah oo gudaha iyo dibadda ah afartii sano ee la soo dhaafay. Waxa kale oo uu xusay in sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannad-maaliyadeedka 2018 oo keliya, in ka badan 4.85 bilyan oo doolar oo sarrifka dibadda ah lagu badbaadiyay wax soo saarka gudaha. Isagoo sheegay in bandhiggu uu isu keenay soosaarayaal firfircoon iyo shirkado cusub oo ka kala yimid daafaha dalka oo leh awood korodhay, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu yiri, "Markaan sii wadno dardartan xooggan, waxaan dhisi doonnaa Itoobiya xooggan, oo warshado barwaaqo ah oo isku filan oo jiilka soo socda u ah." #Itoobiya_ha_soosaarto #MadeInEthiopia #ENA
Horumarka tamarta la cusboonaysiin karo iyo Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya ayaa dardar gelinaya koboca dhaqaalaha
Apr 28, 2026 111
Addis Ababa, Duugato 20/2018 (ENA): Safiirka Faransiiska ee Itoobiya, Alekis Lamek, ayaa sheegay in geedigga horumarineed ee Itoobiya ee tamarta la cusboonaysiin karo iyo Garaadka Macmalka ah (AI) uu abuuray fursado muhiim ah oo lagu dardar gelinayo koboca dhaqaalaha. Wuxuu xusay in horumarka kala-duwan ee dhaqaalaha Itoobiya ee beeraha, warshadaha, macdanta, dalxiiska iyo barnaamijyada dijitaalka ahi ay keeneen natiijooyin la taaban karo oo sii xoojinaya koboc dhan walba ah. Tusaale ahaan, aqoonsigii dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ka helay Midowga Afrika ee hoggaaminta Garaadka Macmalka ah iyo caafimaadka dijitaalka ah ee Afrika ayaa muujinaya guul muuqata. Safiirku wuxuu tilmaamay in Itoobiya ku jirto geedi horumarineed oo dardar leh, gaar ahaan awoodda ay ka dhiseyso tamarta la cusboonaysiin karo iyo isbeddelka tiknoolajiyadda, taas oo tusaale iyo waayo-aragnimo u noqotay dalal kale oo soo koraya. Wuxuu caddeeyay in tamarta la cusboonaysiin karo iyo AI ay yihiin laba tiir oo muhiim ah oo dedejin kara koboca dhaqaalaha, isla markaana yareyn kara saameynta isbeddelka cimilada. Sidoo kale, isku xirka tamarta ee ay Itoobiya ka abuurtay Bariga Afrika ayuu ku tilmaamay barnaamij horumarineed oo kor u qaadaya koboc dhaqaale oo wadajir ah. Faransiiska ayuu sheegay inuu Itoobiya ka taageerayo ballaarinta kaabayaasha tamarta la cusboonaysiin karo, isagoo bixinaya taageero dhaqaale iyo mid farsamo. Dhanka kale, Itoobiya ahmiyadda ay siisay ballaarinta kaabayaasha dijitaalka ah ayuu ku tilmaamay mid si weyn uga qeyb qaadanaya koboca dhaqaalaha dalka. Ugu dambayn, wuxuu xusay in dhismaha hay’ad u gaar ah AI iyo dhiirrigelinta shirkadaha tiknoolajiyadda cusub ay sare u qaadeen hal-abuurka iyo wax-soo-saarka dijitaalka ah ee dalka. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Furitaanka warshadaha waxaa loo arkaa tallaabo weyn oo lagu gaarayo istaraatiijiyadda loogu talagalay in lagu hubiyo koboc loo dhan yahay — Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
Apr 26, 2026 116
Addis Ababa; Duugato 17/2018 (ENA): Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in warshadaha laga furay Beerta Warshadaha ee Hawassa ay yihiin tallaabo weyn oo lagu gaarayo istaraatiijiyadda loogu talagalay in lagu hubiyo koboc waara, adkeysi leh oo loo dhan yahay. Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo Marwada Koowaad ee Zinash Tayajew ayaa si rasmi ah u furay afar warshadood oo waaweyn oo laga dhisay aagga Warshadaha ee Hawassa. Warshadaha la furay waxaa ka mid ah Toyo Solar Energy Wajiga II, Warshadaha Qorraxda ee Origin iyo Lumitech, iyo warshadda wax soo saarka gaaska ee HZ, sida uu xafiisku ku dhawaaqay. Warshadaha Qorraxda waxay leeyihiin awood sannadeed oo isku dhafan oo ah 11.3 gigawatts oo tamar nadiif ah, halka warshadda gaaska ee HZ ay soo saari doonto 900 tan oo oksijiin ah, 40,000 oo tan oo nitrogen ah, iyo 7 tan oo haydarojiin ah sannadkii. Xafiisku wuxuu xusay in guushan loo arko mid muhiim u ah gaaritaanka istaraatiijiyadda Itoobiya ee lagu dardar gelinayo horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo, lagu hubinayo amniga tamarta, iyo in la xaqiijiyo koboc waara, adkeysi leh, oo loo dhan yahay. #ENA #PMOethiopia
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa wadahadal la yeeshay Dr. Jiin Kassiya, Agaasimaha Guud ee Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC).
Apr 23, 2026 135
Addis Ababa; Duugato 15/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa wadahadal la yeeshay Dr. Jiin Kassiya, Agaasimaha Guud ee Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC). Farriin uu ku soo dhigay boggiisa baraha bulshada, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay inuu wadahadal wax ku ool ah la yeeshay Dr. Jiin Kassiya, Agaasimaha Guud ee Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC) saaka. Intii aan wadahadalka ku jirnay, waxaan ka wada hadalnay arrimo kala duwan oo mudnaan leh, gaar ahaan doorka cusub ee la ii siiyay inaan noqdo Horyaalka Midowga Afrika ee Garaadka Macmalka ah (AI) iyo Caafimaadka Dijitaalka ah. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hal-abuurku had iyo jeer yahay aasaas muhiim u ah kobaca Afrika. Wuxuu sheegay in ka faa'iidaysiga awoodda garaadka macmalka ah iyo teknoolojiyada dijitaalka ah si wax looga qabto caqabadaha isbeddelaya ee aan la kulanno waaxda caafimaadka ay lagama maarmaan u tahay xoojinta nidaamyadeenna caafimaad, ballaarinta marin u helka, iyo gaaritaanka natiijooyin wanaagsan oo baddala dadkeenna. Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay dib u xaqiijinayso ballanqaadkeeda ah inay la wadaagto khibradeeda qaaradda iyo inay dhisto iskaashi xooggan oo u sahlaya inay si wax ku ool ah u dhex marto adduunka isbeddelka degdega ah ee tignoolajiyada. Waxaan rajeynayaa inaan si dhow ula shaqeeyo CDC Afrika iyo la-hawlgalayaasha qaaradda oo dhan si aan aragtidan ugu beddelo natiijooyin la taaban karo oo loo dhan yahay, ayuu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ku yiri farriintiisa. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa loo magacaabay Hoggaamiyaha Midowga Afrika ee Garaadka Macmalka iyo Caafimaadka Dijitaalka ah.
Apr 23, 2026 371
Addis Ababa; Duugato 15/2018 (ENA): Magacaabista waxaa lagu aqoonsanayaa hoggaanka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ee goobta iyo doorka joogtada ah ee Itoobiya ee horumarinta Garaadka Macmalka iyo hal-abuurka qaaradda. Warqadda magacaabista ayaa u qornayd sidan: "Mudane, hoggaankaaga horumarinta isbeddelka dijitaalka ah iyo tiknoolajiyada cusub waxay door muhiim ah ka ciyaareen sidii garaadka macmalka looga faa'ideysan lahaa qalab muhiim u ah madaxbannaanida Afrika, hufnaanta iyo kobaca loo dhan yahay. U doodistaada joogtada ah ee madaxbannaanida tignoolajiyada iyo dhisidda awoodda teknoolojiyadda ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta mawqifka qaaradda ee noqoshoda hoggaamiye caalami ah dhonaca isticmaalka mas'uuliyadda leh iyo caddaaladda ee Garaadka Macmalka." Iyadoo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) Itoobiya waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada dijitaalka iyo garaadka macmalka ah sannadihii la soo dhaafay. Ballaarinta kaabayaasha dijitaalka ah, hirgelinta adeegyada dawladda elektaroonigga ah, maalgelinta nidaamka hal-abuurka, dhisidda Machadka Garaadka Macmalka ah, iyo horumarinta Istaraatiijiyadda Garaadka Macmalka ah ee qaranka ayaa ah hawlo aasaas adag u ah isbeddelka. Intaa waxaa dheer, dhismaha la qorsheeyay ee Jaamacadda Garaadka Macmalka ah ee madaxbannaan ayaa la filayaa inay sii xoojiso cilmi-baarista, horumarinta xirfadaha, iyo iskaashiga qaaradda. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) Ayaa Daahfuray Adeegga Gaadhiga Mesob.
Apr 22, 2026 104
Addis Ababa; Duugato 15/ 2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa maanta, intii lagu guda jiray daahfurka Adeegga gaadhiga Mesob, sheegay in loo baahan yahay isbeddel dhaqameed oo aasaasi ah oo ku yimaada bixinta adeegyada. Shanta tiir ee horumarinta ee aan qorsheynay, waxaan si adag uga shaqeyneynaa sidii loo horumarin lahaa hufnaanta adeegga iyo helitaanka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyadda aalad muhiim u ah qaybta adeegga ayuu yidhi. In kasta oo aan dhawaan bilownay hirgelinta Nidaamka Bixinta Adeegga Hal-goob ee Mesob, qanacsanaanta macaamiisha ee sare ee adeegyada Mesob ayaa si cad u xaqiijisay waxtarka qaabkan ganacsi. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo in la sii ballaariyo hawlgalkiisa. Adeegga Moobaylka ee Mesob, oo si rasmi ah loo bilaabay maanta, waa qayb ka mid ah shaqadan socota. Waxaan sii wadi doonnaa inaan ka shaqeyno sidii adeegyadan isku dhafan ay u heli lahaayeen muwaadiniinteena si ay ugu suurtogasho inay si xikmad leh u isticmaalaan waqtigooda oo ay u gaaraan badbaadin waqti oo macno leh. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Guulaha Itoobiya ay ka keentay dhanka tiknoolajiyadda waa natiijooyin sharaf u ah dhammaan Afrika — Wasiirka Arrimaha Dibadda Laybeeriya
Apr 14, 2026 105
Addis Ababa; Duugato 6/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Liberia Sarah Beisolow Nyati ayaa sheegtay in guulaha Itoobiya ee dhanka tiknoolajiyadda ay sharaf u yihiin dhammaan Afrika. Waxay sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay dhisayso awood hal-abuur iyo teknoolooji oo la jaanqaadaysa tartanka caalamiga ah. Wafti ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Laybeeriya Sarah Beisolow Nyati ayaa booqatay Aagga Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Itoobiya. Wasiir Sarah Beisolow Nyati ayaa booqashadan ka tiri; Isbeddellada lagu arkay qaybta tiknoolajiyadda ee Itoobiya ay sharaf u yihii dhammaan Afrika. Waxay sidoo kale muujisay rabitaankeeda ah inay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Laybeeriya u qaaddo heerka xiga. Waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo si looga faa'iidaysto dadka labada dal, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha iyo waxbarashada. Waxay tilmaamtay inay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka "Koonfurta-Koonfurta" si si habboon loogu isticmaalo kheyraadka aadanaha ee baaxadda leh ee Afrika, gaar ahaan dhallinyarada. Waxay sheegtay in jawiga wanaagsan ee aagga teknoolojiyadda laga abuuray dhalinyarada si ay u soo saaraan hal-abuur cusub uu tusaale u yahay dalalka kale. Waxay sidoo kale sheegtay in xarunta xogtu ay tahay muujinta awoodda Afrika ee ay ku maareyn karto xogteeda gaarka ah; islamarkaana xiisaha Laybeeriya ee ah inay dhisto xarunteeda kaydinta xogta iyada oo wax ka baranaysa khibradda tiknoolajiyadda ee Itoobiya. Booqashadan waxaa la sheegay inay u beddesho xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada waddan ee Afrika ee qadiimiga ah iskaashi dhaqaale iyo tignoolajiyadeed oo wax ku ool ah. Waxaa la ogyahay in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Laybeeriya Joseph Nyuma Boakai ay shalay fiidkii booqasho rasmi ah u soo gaareen Addis Ababa. Wakaaladda Wararka Itoobiya #ENA #Tignoolajiyada
Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya waxay daahfurtay nidaamka lacag-bixinta jidka degdegga ah ee “Tolo” iyadoo adeegsanaysa telebirr
Apr 10, 2026 138
Addis Ababa, Duugato 1/2018 (ENA): Shirkadda ayaa bilowday nidaam dijitaal ah oo lacag-bixin ah oo loo bixiyay “Tolo”, kaas oo u sahlaya in khidmadaha jidka degdegga ah lagu bixiyo adeegga telebirr. Munaasabadda daahfurka waxaa si wadajir ah uga qayb qaatay Agaasimaha Guud ee Shirkadda Frehiwot Taamiru iyo Maamulaha Guud ee Shirkadda Nidaamyada Lacag-bixinta Itoobiya Mustefa Abasimele, waxaana laga bilaabay xarunta weyn ee lacag-qaadista ee Tulu Dimtu. Frehiwot Taamiru ayaa sheegtay in shirkaddu ay si joogto ah u hirgelinayso adeegyo kaabaya himilada Itoobiya casri ah, isla markaana ka baxsan adeegyada isgaarsiinta ay door weyn ka qaadanayso taageeridda waaxda maaliyadda iyadoo la keenayo adeegyo degdeg ah, fudud oo kharash-yar. Waxay xustay in maalgashi ballaaran lagu sameeyay kaabeyaasha dijitaalka si horumar waara oo loo dhan yahay loo xaqiijiyo, adeeggan cusubna uu sare u qaadayo tayada adeegga gaadiidka. Dhinaciisa, Mustefa Abasimele ayaa tilmaamay in nidaamkii hore uu ku salaysnaa waraaqo, balse hadda loo wareegayo nidaam dijitaal ah si loo dardargeliyo adeegga loona hirgeliyo Itoobiya casri ah. Nidaamka “Tolo” waxaa lagu horumariyay nidaam casri ah oo la jaanqaadaya telebirr, si macaamiishu ugu bixiyaan khidmadaha iyagoo adeegsanaya kaar gaar ah oo loo diyaariyay, taas oo ka dhigaysa hab lacag-bixin oo aad u degdeg badan. Labada hay’adood ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis iskaashi oo u oggolaanaya inay sii xoojiyaan wada shaqeynta mustaqbalka, iyadoo la ballaarinayo adeegyada dijitaalka ah ee dalka. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa furay xarun cilmi-baaris casri ah oo nidaamka sayniska iyo cilmi-baadhista Itoobiya iyo Afrika u gudbin doonta marxalad cusub.
Apr 7, 2026 144
Addis Ababa; Cuur 26/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa maanta furay xarun cilmi-baaris casri ah oo furi doonta cutub cusub oo ku saabsan nidaamka deegaanka sayniska ee Itoobiya iyo Afrika. Farriin uu ku qoray boggiisa baraha bulshada, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ku sheegay in xaruntan casriga ah, oo laga dhisay dhismaha Machadka Cilmi-baarista ee Armauer Hansen, aysan ahayn oo keliya xarun horumarineed oo kaabayaasha dhaqaalaha ah; sidoo kale waa xarun heer sare ah oo aqoon u leh oo ku dadaalaysa sidii loo xaqiijin lahaa Itoobiya isku filan oo caafimaad qabta. Wuxuu sharraxay in xarunta cilmi-baarista ay ka kooban tahay 40 shaybaar, xarumo genomics oo horumarsan iyo bioinformatics, iyo sidoo kale xarunta 'bioequivalence' ah oo hubisa tayada iyo waxtarka daawooyinka maxalliga ah laga soo saaro. Machadkani wuxuu sidoo kale u adeegi doonaa sidii kicinta dhismaha diyaargarowga iyo awoodda jawaab celinta xaaladaha degdegga ah, ayuu yiri. Farriintiisa, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ku sheegay in iyadoo cilmi-baarista loo beddelayo siyaasad iyo hal-abuur xalal wax ku ool ah, xaruntani ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday isku filnaanshaha wax soo saarka dawooyinka, iyadoo la hubinayo amniga caafimaadka ee waara iyo sii xoojinta guulaha aan ilaa hadda gaarnay. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Addis Ababa ayaa martigelinaysa Madasha Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka Afrika
Mar 7, 2026 269
Addis Ababa; Cirir 28/2018 (ENA): Madasha 8-aad ee Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka Afrika ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa Duugato 18 iyo 19, 2018 T.I. Madashan, oo ay soo qabanqaabisay Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay ee Afrika (ECA), ayaa lagu qabanayaa cinwaanka "Ka dhigista Ajandaha 2030 iyo Ajandaha 2063 mid wax ku ool ah iyada oo loo marayo Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka Dhijitaalka ah". Madashu waxay isu keeni doontaa siyaasad-dejiyeyaasha Afrika, cilmi-baarayaasha, hal-abuurayaasha iyo la-hawlgalayaasha horumarinta. Madashu waxay ka hadli doontaa doorka sayniska iyo tignoolajiyadda ee hubinta horumar waara ee Afrika. Madashu waxay u adeegi doontaa qaab-dhismeed muhiim ah si loo sii horumariyo Ajandaha Hal-abuurka Afrika, sida laga soo xigtay xogta ay heshay ENA. Waxaa sidoo kale jiri doona doodo ku saabsan sida loo xoojin karo iskaashiga u dhexeeya dowladaha, jaamacadaha, warshadaha iyo hay'adaha caalamiga ah. Madashu waxay qiimeyn doontaa horumarka Afrika ee ku aaddan Yoolalka Horumarinta Waara. Doodaha waxaa diiradda lagu saari doonaa Yoolalka Horumarinta Waara ee kala duwan, oo ay ku jiraan biyaha iyo nadaafadda, tamarta la awoodi karo iyo tan nadiifka ah, warshadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, magaalooyinka waara iyo iskaashiga horumarinta. Ka qaybgalayaashu waxay wadaagi doonaan fikradahooda ku saabsan xalalka ku saleysan hal-abuurka iyo tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga gobolka. Madashu waxay soo bandhigi doontaa teknoolojiyada bilowga, oo ay ku jiraan garaadka macmalka ah, shirkadaha cusub, hindisayaasha cilmi-baarista iyo xarumaha hal-abuurka. Munaasabadda waxaa loogu talagalay in lagu fududeeyo wareejinta aqoonta, xoojinta iskaashiga ka dhexeeya jaamacadaha iyo hay'adaha cilmi-baarista iyo taageeridda wareejinta tiknoolajiyada ee Afrika. Madashu waxaa la filayaa inay isu keento wakiillo ka socda dowladaha Afrika, hoggaamiyeyaasha Guddiga Midowga Afrika iyo Bangiga Horumarinta Afrika, jilayaasha waaxda gaarka loo leeyahay, hay'adaha tacliinta iyo ururada caalamiga ah. Natiijooyinka Madasha Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka Afrika ayaa la filayaa inay ku darsamaan Madasha Gobolka 12-aad ee Afrika ee Horumarinta Waara oo lagu qaban doono Addis Ababa. Madasha Gobolka 12-aad ee Afrika ee Horumarinta Waara ayaa la qaban doonaa laga bilaabo 20 ilaa 22 Duugato 2018 T.I. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Itoobiya ayaa dhisaysa awood ay hoggaan ugu noqoto kacaanka Garaadka Macmalka ah
Feb 16, 2026 327
Addis Ababa, Cirir 8/2018 (ENA): Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in Itoobiya ay si firfircoon u dhisayso awood ay hoggaan uga noqoto xilliga kacaanka Garaadka Macmalka ah (AI). Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah u daahfuray Xarunta Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka Jaamacadaha ee AI (AI UniPod), oo ay si wadajir ah u aas-aaseen Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya, Jaamacadda Addis Ababa iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyada oo loo marayo hindisaha Timbuktu. Isagoo hadal ka jeediyay munaasabadda, Temesgen Tiruneh wuxuu sheegay in Itoobiya aysan noqon doonin daawade ku sugan geeska, balse ay qaadanayso door hoggaamineed xilligan cusub ee tiknoolajiyadda. Wuxuu xusay in xaruntan cusub ay xoojinayso madaxbannaanida dijitaalka ah ee dalka, isla markaana ay iftiiminayso rajada mustaqbalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in qarnigan 21aad madaxbannaanidu aysan ku koobneyn xuduudaha dhulka oo keliya, balse ay ku jirto awoodda lagu maamulo xogta, lagu sameeyo jihooyin u gaar ah dalka, laguna xalliyo dhibaatooyinka aqoonta gudaha ah. Xaruntu waxay isku xiraysaa barnaamijyo kobcinaya kartida laga bilaabo cilmi-baaris ilaa hal-abuur ganacsi, iyadoo u abuureysa dhalinyarada fursad ay ku horumariyaan tiknoolajiyadooda kuna gaarsiiyaan heer caalami. Sidoo kale, mashruucan wuxuu la jaanqaadayaa istaraatiijiyadda “Dhijitaal Itoobiya 2030” iyo ajandaha dib-u-habeynta dhaqaalaha gudaha, isagoo la filayo inuu door muuqda ka qaato hirgelintooda. Temesgen Tiruneh ayaa ku adkeeyay in xaruntani ay noqoneyso meel ay dhalinyarada iyo cilmi-baarayaashu ka helaan deegaan hal-abuur oo heer sare ah, isla markaana Itoobiya iyo guud ahaan Afrika ay mustaqbalkooda tiknoolajiyadeed ku dhisi karaan awooddooda iyo hal-abuurkooda.
Si loo helo natiijooyin cilmi-baaris oo xal u noqda dhibaatooyinka Afrika, waxaa loo baahan yahay iskaashi iyo isuduwid u dhexeeya dalalka
Feb 11, 2026 361
Addis Ababa, Cirir 4/2018 (ENA): Mas’uuliyiinta hay’adaha cilmi-baarista iyo cilmi-baareyaal ayaa sheegay in si loo helo natiijooyin cilmiyeed oo wax ka qabta dhibaatooyinka Afrika ay lama huraan tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isuduwidda dalalka qaaradda. Toddobaadka Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka 2026 oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Horumarinta Midowga Afrika (AUDA-NEPAD) iyo Ururka Sayniska African, kuna qabsoomay halku-dhigga “Qaabeynta mustaqbalka Afrika iyada oo loo marayo garaadka macmalka ah, sayniska, teknoolojiyadda iyo hal-abuurka,” ayaa arrimahan diiradda lagu saaray. Dr. Nikki Tiffin oo ah cilmi-baare sare oo ku takhasustay xogta caafimaadka kana tirsan Machadka Qaranka ee Bioinformatics ee Koonfur Afrika, ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado badan oo hor taagan fulinta cilmi-baaris xal u noqota dhibaatooyinka Afrika. Waxay tilmaantay in dalal badan oo Afrikaan ah ay cilmi-baarayaashu la kulmaan dhibaatooyin isku mid ah, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, yaraynta saboolnimada iyo arrimaha aasaasiga ah. Waxay sidoo kale sheegtay in si loo horumariyo cilmi-baarista caafimaadka ee Afrika ay muhiim tahay in la xoojiyo warshadaha soo saara kiimikooyinka iyo agabka shaybaarada. Sidoo kale waa in la ballaariyo aragtida si hay’adaha caalamiga ah loogu dhiirrigeliyo inay yimaadaan Afrika. Dr. Yaw Bediyaako, oo ah aasaasaha iyo Agaasimaha Fulinta ee Yemaaji Biotechnology oo diiradda saarta cilmi-baarista kansarka ee Afrika, ayaa isaguna xusay in cilmi-baareyaal badan ay la daalaa dhacaan dhibaatooyin la xiriira saadka iyo silsiladda sahayda. Wuxuu sheegay in si xal waara loo helo ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isuduwidda dalalka Afrika. Waxa kale oo la adkeeyay in la fududeeyo helitaanka iyo dhaqdhaqaaqa agabka cilmi-baarista si kor loogu qaado wax-soosaarka iyo waxtarka waaxda. Ka-qaybgalka firfircoon ee dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa lagu tilmaamay mid lama huraan u ah koboca waaxda, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la dhiirrigeliyo warshadaha qaaradda. Dhankiisa, Fincent Okungu oo ah cilmi-baare sare kana tirsan Jaamacadda Nairobi ee Kenya, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hagaajiyo nidaamka birookrasiyeed ee ka jira hay’adaha cilmi-baarista Afrika. Wuxuu ku baaqay in cilmi-baaristu noqoto mid yareysa khasaaraha, si cad u qeexda dhibaatooyinka Afrika, una jeedda arrimaha aasaasiga ah. Ugu dambayn, wuxuu xusay in cilmi-baaristu ay tahay mid loogu talagalay xalinta dhibaatooyinka bulshada, isla markaana aan loo arkin hawl qurxin ama raaxo lagu sameeyo. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Barnaamijyada tababarka horumarinta xirfadaha cusub ayaa la hirgelinayaa si kor loogu qaado himilooyinka hal-abuurka dhalinyarada.
Jan 22, 2026 497
Addis Ababa; Dharabley 14/2018 (ENA): Barnaamijyada tababarka horumarinta xirfadaha cusub ayaa la hirgelinayaa si kor loogu qaado tartanka caalamiga ah iyo himilooyinka hal-abuurka dhalinyarada, ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarka Farsamada iyo Xirfadaha Federaalka, Biruuk Kedir (Dr.). Barnaamij la yiraahdo "Skill Ethiopia" ayaa la hirgelinayaa si dhalinyarada loogu suurtageliyo inay xirfadahooda iyo fikradahooda u beddelaan hal-abuur macno leh. Sida uu horay u sheegay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), fikradda Skill Ethiopia waa in dhalinyarada loo suurtogeliyo inay sahamiyaan baahiyaha degdegga ah ee bulshada iyo inay abuuraan xalal u anfaca dalkooda. Waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la taageero hal-abuurayaasha da'da yar si loo kordhiyo awooddooda wax soo saar. Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarka Farsamada iyo Xirfadaha Federaalka Biruuk Keder (Dr.) ayaa u sheegay ENA in tababarka farsamada iyo xirfadeed uu yahay mid faa'ido weyn u leh mustaqbalka. Wuxuu sheegay in inkastoo xaaladda adduunku ay dhiirrigeliso xirfadaha iyo aqoonta, haddana wacyigayaga ku aaddan xirfadaha Itoobiya weli ma uusan horumarin. Wuxuu sheegay in xirfaduhu ay yihiin goobta tartanka iyo nimcada adduunka casriga ah; wuxuu sheegay in tababarka farsamada iyo farsamada gacanta aan loo arkin doorasho labaad. Wuxuu sheegay in Itoobiya ay natiijooyin la taaban karo ka gaadhayso hirgelinta tababar farsamo iyo xirfadeed oo tixgelinaya kartida dhallinyaradeeda tan iyo markii isbeddelku dhacay. Wuxuu xusay in badeecadaha tignoolajiyada ee hormuudka ka ah adduunka ay yihiin hantida xirfadaha; wuxuu iftiimiyay awoodda tababarka iyo gelitaanka ee sii kordheysa ee hay'adaha farsamada iyo farsamada gacanta ee Itoobiya. Wuxuu sheegay in Machadka Tababarka Farsamada iyo Xirfadaha ee Federaalka uu horumarinayo meelaha tababarka ee jira iyo hirgelinta kuwa cusub si loo soo saaro xirfadlayaal aqoon leh oo tartan leh oo warshadaha casriga ahi u baahan yihiin. Wuxuu sheegay in sannadkii 2018, 11 meelood oo tababar cusub la bilaabay, oo ay ku jiraan garaadka macmalka ah, amniga internetka, tignoolajiyada biomedical, tignoolajiyada balaastikada, tignoolajiyada robotics-ka, iyo tignoolajiyada wax soo saarka. Wuxuu tilmaamay in machadku uusan kaliya kordhinayn tirada dhalinyarada galaysa tababarka; sidoo kale wuxuu siinayaa meelo cusub oo tababar ah tignoolajiyada ugu dambeysay. Wuxuu sheegay in tani ay u suurta gelisay inay diiradda saarto tababarka wax ku oolka ah marka loo eego waxbarashada aragtida. Agaasimaha Guud, oo sheegay in waaxda tababarka farsamada iyo farsamada gacanta ee Itoobiya ay awood u leedahay inay qaabilto lix milyan oo muwaadin iyada oo loo marayo tababar joogto ah iyo mid gaaban, ayaa sidoo kale sheegay in tababarayaashu ay dhisi doonaan awoodda xuduudaha ka baxsan dalka. Sababtan awgeed, dawladdu waxay hubinaysaa in hay'adaha tababarka farsamada iyo farsamada gacanta ay ku qalabaysan yihiin agabka ay u baahan yihiin si ay si wax ku ool ah ugu baraan xirfadaha goobaha ay ku tababaraan. Sidaa darteed, waxay ugu baaqeen dhalinyarada inay fahmaan in tababarku uu ku saabsan yahay u diyaargarowga shaqada iyo horumarinta xirfadaha xallinta dhibaatooyinka oo ay galaan xarumaha tababarka farsamada iyo farsamada gacanta.
Shirweynaha dhalinyarada DDS, oo halku-dhig looga dhigay awoodsiinta dhalinyarada ee xilliga casriga ah, oo ay iska kaashadeen Xafiiska Dhalinyarada DDS iyo Machadka Hiraad Institute, ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Jan 21, 2026 522
Addis Ababa: Dharabley 13/2018 (ENA): Shirweynaha dhalinyarada waxaa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, dhalinyaro iyo marti-sharaf kala duwan. Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in dhalinyaradu ay door muhiim ah ku leeyihiin arrimaha bulshada, aaladaha casriga ah, waxbarashada, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, beeraha, iyo horumarka guud ee deegaanka. Waxaana shirweynaha dhalinyarada ee deegaanka, inta uu socdo, looga hadli doonaa qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ka-qaybgalka arrimaha bulshada iyo horumarka deegaanka.