ITOOBIYA OO bilad DAHAB AH OO DHEERAAD AH KA HESHAY CIYAARAHA OLOMBIKADA DHALLINYARADA

Addis Ababa, Gudba, Hidar, 1,2019 (ENA) Orodyahanadda Elsabet Amare ayaa Itoobiya u xaqiijisay biladdeedii shanaad ee dahabka ahayd, kaddib markii ay kaalinta koowaad ka gashay tartanka orodka 1,500 mitir ee haweenka.

 

Orodyahanadda Elsabet ayaa tartanka ku dhamaysatay 4 daqiiqo, 28 ilbiriqsi iyo 02 mikrosekan, taas oo u suurtagelisay inay kaalinta koowaad gasho.

 

Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada ee afraad ayaa haatan ka socda magaalada Dakar ee dalka Senegal.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015