ITOOBIYA OO KU GUULEYSATAY BILADDEEDII AFRAAD EE DAHABKA AHAYD EE CIYAARAHA OLOMBIKADA DHALLINYARADA

Addis Ababa, Gudba,Hidar,1,2019 ENA Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada ee afraad oo ka socda magaalada Dakar ee dalka Senegal ayaa weli socda.

 

Tartanka kama dambaysta ah ee orodka 800-ka mitir ee ragga oo maanta la qabtay, waxaa kaalinta koowaad galay orodyahan Yoomif Abebe.

 

Yoomif ayaa tartanka ku dhammeystay 1 daqiiqo, 48 ilbiriqsi iyo 99 mikrosekan.

 

Guushan ayaa Itoobiya u xaqiijisay biladdeedii afraad ee dahabka ahayd ee Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015