Itoobiya oo kugulaysatay bilada Labaad ee dahabka ee Tartanka Ciyaaraha Fudud ee da'ida 20 jirka ka hosaysa

Addis Ababa, Naaf 3, 2018 (ENA): Itoobiya ayaa ku guuleysatay bilada labaad ee dahabka ah tartanka 21-aad ee ciyaaraha fudud ee ka socda Oregon, Mareykanka.

 

​Ciyaartoyda Yordanos Tsigabu ayaa saakay ku guuleysatay bilada dahabka ee tartanka 3000 mitir 

 

​Athleetadan ayaa dalkeeda u soo hooyay bilada dahabka ka dib markii ay ku dhameysatay waqtikeeda ugu wanaagsanaa ee 8:43.65.

 

​Aqtleeda kale ee Shito Gumi ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad iyada oo la timid waqti 8:45.06, waxayna ku guuleysatay bilada qalinka. Athleetadan ayaa sidoo kale horey bilada qalinka uga helay tartanka 5000 mitir.

 

​Tartanka Ciyaaraha Fudud ee Da'ida ka hosaysa 20 Sano ee ka socda Oregon, Mareykanka ayaa soo gaba-gaboobaya maanta.

 

​Itoobiya waxay tartankan ka heshay 2 biladood oo dahab ah, 3 qalinh ah, iyo 1 bronze ah, iyada oo ku jirtay kaalinta saddexaad ee biladaha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015