Horumarka tamarta la cusboonaysiin karo iyo Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya ayaa dardar gelinaya koboca dhaqaalaha - ENA Af-Soomaali
Horumarka tamarta la cusboonaysiin karo iyo Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya ayaa dardar gelinaya koboca dhaqaalaha
Addis Ababa, Duugato 20/2018 (ENA): Safiirka Faransiiska ee Itoobiya, Alekis Lamek, ayaa sheegay in geedigga horumarineed ee Itoobiya ee tamarta la cusboonaysiin karo iyo Garaadka Macmalka ah (AI) uu abuuray fursado muhiim ah oo lagu dardar gelinayo koboca dhaqaalaha.
Wuxuu xusay in horumarka kala-duwan ee dhaqaalaha Itoobiya ee beeraha, warshadaha, macdanta, dalxiiska iyo barnaamijyada dijitaalka ahi ay keeneen natiijooyin la taaban karo oo sii xoojinaya koboc dhan walba ah.
Tusaale ahaan, aqoonsigii dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ka helay Midowga Afrika ee hoggaaminta Garaadka Macmalka ah iyo caafimaadka dijitaalka ah ee Afrika ayaa muujinaya guul muuqata.
Safiirku wuxuu tilmaamay in Itoobiya ku jirto geedi horumarineed oo dardar leh, gaar ahaan awoodda ay ka dhiseyso tamarta la cusboonaysiin karo iyo isbeddelka tiknoolajiyadda, taas oo tusaale iyo waayo-aragnimo u noqotay dalal kale oo soo koraya.
Wuxuu caddeeyay in tamarta la cusboonaysiin karo iyo AI ay yihiin laba tiir oo muhiim ah oo dedejin kara koboca dhaqaalaha, isla markaana yareyn kara saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, isku xirka tamarta ee ay Itoobiya ka abuurtay Bariga Afrika ayuu ku tilmaamay barnaamij horumarineed oo kor u qaadaya koboc dhaqaale oo wadajir ah.
Faransiiska ayuu sheegay inuu Itoobiya ka taageerayo ballaarinta kaabayaasha tamarta la cusboonaysiin karo, isagoo bixinaya taageero dhaqaale iyo mid farsamo.
Dhanka kale, Itoobiya ahmiyadda ay siisay ballaarinta kaabayaasha dijitaalka ah ayuu ku tilmaamay mid si weyn uga qeyb qaadanaya koboca dhaqaalaha dalka.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in dhismaha hay’ad u gaar ah AI iyo dhiirrigelinta shirkadaha tiknoolajiyadda cusub ay sare u qaadeen hal-abuurka iyo wax-soo-saarka dijitaalka ah ee dalka.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya