Shirweynaha dhalinyarada DDS, oo halku-dhig looga dhigay awoodsiinta dhalinyarada ee xilliga casriga ah, oo ay iska kaashadeen Xafiiska Dhalinyarada DDS iyo Machadka Hiraad Institute, ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga. - ENA Af-Soomaali
Shirweynaha dhalinyarada DDS, oo halku-dhig looga dhigay awoodsiinta dhalinyarada ee xilliga casriga ah, oo ay iska kaashadeen Xafiiska Dhalinyarada DDS iyo Machadka Hiraad Institute, ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Addis Ababa: Dharabley 13/2018 (ENA): Shirweynaha dhalinyarada waxaa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, dhalinyaro iyo marti-sharaf kala duwan.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in dhalinyaradu ay door muhiim ah ku leeyihiin arrimaha bulshada, aaladaha casriga ah, waxbarashada, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, beeraha, iyo horumarka guud ee deegaanka. Waxaana shirweynaha dhalinyarada ee deegaanka, inta uu socdo, looga hadli doonaa qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ka-qaybgalka arrimaha bulshada iyo horumarka deegaanka.