Waxaa loo baahan yahay in fursadaha garaadka macmalka ah si habboon loo adeegsado si xaqiiqada Afrika loogu soo bandhigo bulshada caalamka - ENA Af-Soomaali
Waxaa loo baahan yahay in fursadaha garaadka macmalka ah si habboon loo adeegsado si xaqiiqada Afrika loogu soo bandhigo bulshada caalamka
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Ka qaybgalayaasha shirka dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa sheegay in si loo soo bandhigo xaqiiqada Afrika ee dhabta ah ee dunida, loo baahan yahay in si sax ah loo adeegsado fursadaha garaadka macmalka ah (AI).
Shirka ugu horreeya ee dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika, oo ay si wadajir ah u abaabuleen Warbaahinta Pulse of Africa iyo Shirkad Teknooloji ee AGA, ayaa ka socda Addis Ababa.
Shirkan oo halku-dhiggiisu yahay “Dadka saamaynta ku leh Afrika iyo mustaqbal wanaagsan”, ayaa waxaa ka qaybgalaya dad ka kala yimid 30 dal oo Afrika ah.
Ujeeddada shirka ayaa ah in la dhiirrigeliyo dadka caanka ka ah baraha bulshada, la xoojiyo dhaqaalaha dhijitaalka ah, lana abuuro iskaashi, sidoo kalena lagu gaaro yoolalka Ajandaha Midowga Afrika 2063.
Dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa ka wada hadlaya sidii Afrika u dhisi lahayd sheekadeeda gaarka ah, kor loogu qaadi lahaa kalsoonida qaaradda, isla markaana loo abuuri lahaa aqoonsi Afrikaan ah.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Nebiyat Getaajew, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Itoobiya Sayfe Dharbe, Agaasimaha Guud ee Shirkad Teknooloji ee AGA Gemedha Olana, wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo marti sharaf kale.
Intii uu shirka socday, waxaa la qabtay dood ku saabsan doorka garaadka macmalka ah (AI) ee abuurista iyo diyaarinta nuxurka baraha bulshada.
Agaasimaha qaybta cilmi-baarista habaynta luqadda dabiiciga ah ee Machadka Garaadka Macmalka Itoobiya, Samuel Raxmato, ayaa sheegay in hore AI loo adeegsan jiray kaliya cilmi-baaris iyo shaqo farsamo.
Hadda se, isticmaalka AI si weyn ayuu u kordhay, wuxuuna fududeeyay hawlaha maalinlaha ah ee bulshada.
Waxa kale oo uu sheegay in horumarka AI uu suurtageliyay abuurista sawirro iyo muuqaallo tayo sare leh oo u eg filin.
Sidoo kale, AI ayaa caawinaysa dadka sameeya muuqaalada baraha bulshada.
Sidaas darteed, dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika waxaa lagu boorriyay inay AI u adeegsadaan dhismaha sheekada iyo muuqaalka Afrika.
Waxaa la adkeeyay in AI loo isticmaalo si loo soo bandhigo dhaqanka iyo taariikhda dhabta ah ee Afrika.
Dhinaca kale, Brian Jota oo ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada, ayaa sheegay in AI ay tahay aalad horumarin karta xirfadaha dhijitaalka ah.
Ugu dambayntii, Williamlast K.R.M oo ka yimid Botswana ayaa isna sheegay in samaynta muuqaalada aysan kaliya ahayn in laga fekero helida lacag ama tiro dad, balse ay tahay in loo adeegsado dhismaha sheekada Afrika.