Dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa loo arko inay yihiin safiirrada dhaqanka iyo codka jiilka cusub - ENA Af-Soomaali
Dadka caanka ka ah baraha bulshada Afrika ayaa loo arko inay yihiin safiirrada dhaqanka iyo codka jiilka cusub
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Warbaahinta Pulse of Africa oo kaashanaysa Shirkad Teknooloji AGA ayaa magaalada Addis Ababa, Madxafka Xuska Guusha Adhwa, ku qabatay shirkii ugu horreeyay ee dadka caanka ka ah baraha bulshada ee Afrika.
Shirkaas oo lagu qabtay halku-dhigga “Dadka caanka kah baraha bulshada Afrika— Mustaqbal Wanaagsan,” ayaa waxaa ka qayb galay dad saamayn leh oo ka kala yimid 30 dal oo Afrika ah. Ujeeddada shirka ayaa ah in la dhiirrigeliyo dadka saamaynta leh masuuliyadooda, si loo xoojiyo dhaqaalaha dijitaalka ah, loona abuuro iskaashi ballaaran oo Afrika ah.
Shirka waxaa lagu falanqeeyay sida Afrika u dhisi karto sheekadeeda gaarka ah, kor loogu qaadi karo kalsoonida qaaradda, loona sameyn karo aqoonsi Afrikaan ah oo mideysan.
Gamadha Olaanaa, oo ah Agaasimaha Shirkad Teknoolojiyqda AGA, ayaa sheegay in dadka saamaaynta ku leh baraha bulshada ay tahay inay noqdaan safiirrada dhaqanka Afrika iyo codka jiilka cusub.
Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay tahay meel taariikhi ah oo muhiim ah, loona yaqaan halka ay ka soo bilaabatay ilbaxnimooyin badan, sidoo kalena ay leedahay dhaqammo kala duwan iyo horumar dalxiis.
Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nebiyat Geetaajew, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Itoobiya Sayfe Dharbe, iyo wakiillo ka socday Midowga Afrika.
Gamadha Olaanaa ayaa sheegay in shirkan uusan ahayn oo kaliya kulan, balse uu yahay bilow dhaqdhaqaaq dijitaal oo Afrika ay ku mideysan tahay.
Waxa uu ku adkeeyay in dadka saamaynta ku leh baraha bulshada Afrika ay noqdaan kuwa ka sheekeeya taariikhda qaaradda, ilaaliya dhaqanka, isla markaana noqda buundada isku xirta Afrika iyo dunida.
Ugu dambayn, shirkan ayaa loo arkaa mid bilow u ah dhaqdhaqaaq dijitaal oo cusub oo Afrika ka dhigi kara meel ay ka soo baxaan dad saamayn caalami ah leh oo Afrika matala.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya