Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) Ayaa wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Bangiga AfriExim

Addis Ababa, Afagaal 8/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) Ayaa wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Bangiga AfriExim Joorj Elombi (Dr.).

 

Fariin uu ku qoray boggiisa baraha bulshada, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu yiri; Caawa, waxaan wadahadal miro dhal ah la yeelanay Madaxweynaha Bangiga AfriExim Joorj Elombi (Dr.) iyo xubnaha guddiga agaasimayaasha bangiga.

 

Wuxuu xusay in intii lagu jiray wadahadalka, ay ka wada hadleen iskaashiga, kobaca, iyo fursadaha mustaqbalka ee Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015