FARRIINTA RAYSALWASARE KU-XIGEENKA DALKA TEMESGEN TIRUNEH TIRUNEH

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya, Temesgen Tiruneh, ayaa sheegay in inkastoo shacabka ay marar badan saameeyeen khilaafaad ay abuureen aqoonyahannada, haddana dhaqanka Itoobiya uu mar walba ku dhisnaa wada-tashi iyo is-afgarad.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Temesgen Tiruneh wuxuu xusay in astaamaha dhaqanka Itoobiya sida guryaha, miisaska dhaqanka, hab-fadhiisiga iyo qaabka nololeedkuba ay yihiin kuwo wareegsan, taasoo astaan u ah sinnaanta, wada-hadalka iyo ka-qaybgalka loo siman yahay.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in dhaqankaas soo jireenka ah dib loogu soo celiyay Madasha Wadatashiga Qaranka, halkaas oo Itoobiyaanku ay isaga yimaadeen afarta jiho ee dalka si ay uga wada tashadaan mustaqbalka qarankooda, iyadoo qof kasta la siiyay fursad uu aragtidiisa ku cabbiro

.

Ugu dambayn wuxuu intaas ku daray in maanta Itoobiyaanku ay isu yimaadeen si ay gacmahooda ugu dhistaan mustaqbalka dalkooda, isagoo xusay in ducada iyo rajada shacabka ay garab taagan yihiin ka-qaybgalayaasha Madasha Wadatashiga Qaranka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015