ITOOBIYA IYO JARMALKA OO MUUJIYAY GO’AANKOODA KU AADDAN XOOJINTA ISKAASHIGA DHAQAALE EE WAARA IYO ISKAASHIGA GOBOLKA. - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA IYO JARMALKA OO MUUJIYAY GO’AANKOODA KU AADDAN XOOJINTA ISKAASHIGA DHAQAALE EE WAARA IYO ISKAASHIGA GOBOLKA.
ADDIS ABABA, AFAGAAL, HAMLE 6, 2018 (ENA ) :- Itoobiya iyo Jarmalka ayaa shaaciyay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan xoojinta xiriirkooda dhaqaale ee waara iskaashiga horumarinta iyo ganacsiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Gedion Timothewos ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo lana sii wado khibradda iskaashi ee labada dhinac ay ku leeyihiin arrimaha ajandayaasha caalamiga ah.
Dhankiisa, Wasiiru-Dawlaha wasarada Arrimaha Dibadda Jarmalka Geza Andreas von Geyr,(Dr.) ayaa sheegay in Jarmalku yahay suuq muhiim ah oo ay galaan wax-soo-saarka Itoobiya, isagoo tilmaamay baahida loo qabo in la sii xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada xajooday iskaashi ku saabsan shaqaale xirfad leh, isbeddelka cimilada, iyo arrimaha gobolka iyo Bariga Dhexe.