Horumarinta Khayraadka Xoolaha ee Itoobiya Waxay Natiijooyin Waaweyn Ka Keenaysaa Horumarinta Dhaqaalaha Beeralayda iyo xola dhaqatada. - ENA Af-Soomaali
Horumarinta Khayraadka Xoolaha ee Itoobiya Waxay Natiijooyin Waaweyn Ka Keenaysaa Horumarinta Dhaqaalaha Beeralayda iyo xola dhaqatada.
Addis Ababa; Afagaal 6, 202018 (ENA): wasiiri dawlha Beeraha, Dr. Fikru Regasa, ayaa sheegay in horumarinta khayraadka xoolaha ee Itoobiya ay natiijooyin wanaagsan ay heleen beeralayda iyo reer xoolo-dhaqatada.
Waxan sidaas lagushegay shir magaalada Addis Ababa ka furmay oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyen Wasaaradda Beeraha iyo Xafiiska Khayraadka Xoolaha ee Qaaradda Afrika ee hoos taga Midowga Afrika.
Wasiiru dawlha Beeraha, Dr. Fikru Regasa, ayaa tilmaamay in madashani ay ujeeddadeedu tahay sidii loo dejisid lahaa jihooyinka siyaasadeed ee lagu horumarinayo khayraadka xoolaha ee Afrika, si loo abuuro nidaam u adkeysan kara isbeddelka cimilada, loona suurtageliyo in xoolo-dhaqatadu ay helaan suuqyo fiican, iyadoo kor loo qaadayo faa'iidooyinka ay waddamadu ka helaan qaybtaas.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay qaadday tillaabooyin la taaban karo oo xaqiijinaya faa'iidooyinka beeralayda iyo xola dhaqatada iyadoo kor u qaadaysa horumarinta khayraadka xoolaha dalka.
Wuxuu sidoo kale xusay in la dhisayo mashaariic si waara u xallinaya dhibaatooyinka la xiriira biyaha iyo calafka ee haysta beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, iyadoo isla markaana la ballaarinayo xarumaha bixinta adeegyada caafimaadka xoolaha.
Wuxuu intaas ku daray in la xoojinayo hay'adaha la shaqeeya xoolo-dhaqatada iyo sidii xarumaha suuqyada xoolaha looga dhigi lahaa kuwo si fudud looga heli karo deegaannada ay degan yihiin dadka xola dhaqatada .
Agaasimaha Xafiiska Khayraadka Xoolaha ee Midowga Afrika, Dr. Huyam Salih, ayaa dhankeeda ka sheegtay in kasta oo Afrika ay haysato qaybta ugu dakhliga badan khayraadka xoolaha ee adduunka, haddana dakhliga iyo faa'iidooyinka ay ka hesho qiimahaas ay yihiin kuwo aad u hooseeya.
Waxay kaloo xustay in mustaqbalka, si loo horumariyo khayraadka baaxadda leh ee xoolaha ee qaaradda iyo si loo hagaajiyo faa'iidooyinka beeralayda iyo xola dhaqatada , ay lagama maarmaan tahay in la ballaariyo fursadaha maalgashiga ee dhammaan qaybaha kala duwan