Diblomaasiyiin shisheeye iyo wakiillo ka socda hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Itoobiya ayaa ku biiray ololaha qaran ee Raad-raaca cagaaran iyagoo geedo ku beeray magaalada Addis Ababa, si ay u muujiyaan taageeradooda ilaalinta deegaanka iyo xoojinta dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada. - ENA Af-Soomaali
Diblomaasiyiin shisheeye iyo wakiillo ka socda hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Itoobiya ayaa ku biiray ololaha qaran ee Raad-raaca cagaaran iyagoo geedo ku beeray magaalada Addis Ababa, si ay u muujiyaan taageeradooda ilaalinta deegaanka iyo xoojinta dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada.
Addis Ababa, Agaali /Sane 23,2018 ENA:- Munaasabadda beerista geedaha ayaa isugu keentay xubno ka tirsan hay’adaha diblomaasiyadeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya,taasoo muujisay taageerada sii kordheysa ee caalamku u hayo Hindisaha Raad-raaca Cagaaran oo maanta noqday mid ka mid ah barnaamijyada ugu waaweyn ee dib-u-soo-noolaynta deegaanka.
Ugu horeyn Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Heydhera Abera oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ilaalinta deegaanka ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashi iyo tallaabooyin caalami ah oo isku dubbaridan.
Wasiiru-dawlaha wasaarada arrimaha dibadda ayaa xusay ka qaybgalka bulshada diblomaasiyiinta ay muujinayaa fahamka ah in isbeddelka cimiladu yahay caqabad caalami ah oo aysan jirin hal dal oo kaligiis wax uga qaban kara.
Wasiiru-dawlaha wasaarada arrimaha dibadda wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in iskaashi caalami ah oo sii xoogeysanaya uu muhiim u yahay dhismaha mustaqbal adkaysi badan leh oo waara.
Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Arrimaha Heydhera Abera ayaa iftiimiyay horumarka la taaban karo ee la gaaray tan iyo markii la bilaabay Hindisaha Raad-raaca Cagaaran sannadkii 2019, isagoo sheegay in malaayiin Itoobiyaan ah ay ka qayb qaateen ololaha qaran, isla markaana in ka badan 50 bilyan oo geedo ah laga beeray dalka oo dhan.
Waxaa kale oo intaasi ku daray barnamijkan Raad-raaca cagaaran gacan ka geysanayo
dib-u-soo-celinta dhulalkii xaalufay, ilaalinta kala-duwanaanshaha noolaha, xoojinta adkeysiga isbeddelka cimilada, hagaajinta khayraadka biyaha iyo ciidda, iyo abuurista shaqooyin , isagoo sidoo kale door ka qaadanaya himilooyinka ballaaran ee Itoobiya ee ku aaddan horumar waara.
Ugu dambayn Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa la xiriiriyay himilooyinka deegaanka ee Itoobiya iyo doorkeeda sii kordhaya ee heer caalami, isagoo xusay in iskaashiga joogtada ah ee lala yeesho ergooyinka diblomaasiyadeed iyo saaxiibbada horumarinta uu sii xoojin doono ajandaha Itoobiya ee la xiriira cimilada iyo ilaalinta deegaanka.