Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa Kala Saxiixday Heshiis Amaah ah oo Dhan 70 Milyan oo Euro

Addis Ababa, 22 Agaali, 2018 (ENA) — Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis amaah ah oo dhan 70 milyan oo Euro, kaas oo lagu bixinayo muddo dheer, waxaana loo isticmaali doonaa hirgelinta dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo mashaariicda horumarinta, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide.

 

Heshiiska amaahda ah ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Itoobiya, Agostino Palese.

 

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Axmed Shide, ayaa cadeyay in heshiiskan amaahda ah uu muujinayo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal, uuna sii xoojinayo xiriirkooda taariikhiga ah ee muddada dheer soo jiray.

 

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in heshiiskani uu qayb ka yahay hannaankii iskaashi ee horay ay labada dal ugu heshiiyeen.

 

Wuxuu sharraxay in taageeradan maaliyadeed ay gacan ka geysan doonto xaqiijinta tillaabooyinka dib-u-habaynta dhaqaalaha qaranka iyo yoolalka horumarineed ee ay Itoobiya bilowday.

 

Wuxuu xusay in Itoobiya ay si guul leh u dhammaystirtay wajigii labaad iyadoo hirgelisay dib-u-habayn dhammaystiran oo dhanka dhaqaalaha weyn ah (Macroeconomic reform).

 

Isagoo taa ka duulaya, in Bangiga Adduunka uu ansixiyay taageerada miisaaniyadeed ee loo isticmaali doono hirgelinta wajiga saddexaad ee dib-u-habaynta.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirku wuxuu u mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada maaliyadeed ee ay u fidisay dadaallada horumarineed iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha Itoobiya, iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la leedahay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015