Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee diblomaasiyadda Itoobiya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sii xoogaysanaya :– Danjire Jamaal Bakar. - ENA Af-Soomaali
Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee diblomaasiyadda Itoobiya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sii xoogaysanaya :– Danjire Jamaal Bakar.
Addis Ababa, Agaali, Sane 7, 2018 T.I. (ENA) – Danjiraha Itoobiya ee fadhigiisu yahay wadanka Isutaga imaraatka Carabta (UAE) Jamal Bakar (Dr.) ayaa sheegay in xiriirka istaraatijiyadeed ee dhanka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Isutaga Imiraadka Carabta si weyn u kobcayo, isla markaana yahay iskaashi jiilal badan sii gaadhi doona.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dib-u-habaynta dhaqan dhaqalaha guud ee dalku waddo ka dhigey meel ku habboon dhanka maalgashiga.
Dalka Itoobiya iyo dalka Isutaga Imiiraadka Carabta ayaa samaystay iskaashi istaraatiijiyadeed oo dhammaystiran taas oo ku salaysan kalsooni iyo isfaham wadajir ah.
Gaar ahaan sannadihii u dambeeyay iskaashiga labada dal ayaa si weyn u xoogaystay dhinacyada tamarta la Cusboonaysiiyo iyo tiknoolajiyada.
Hadaba Wareysigan oo uu siiyay wakaalada wararka ee Itoobiya qaybteeda Afafka dibada ayaa Danjiraha Isutaga Imaaraadka Carabta Jamaal Bakar uu ku sheegay in Itoobiya hadda ku jirto hirgelinta dib-u-habayn dhaqaha guud oo qoto dheer islamar ahaantaana baaxad wayn .
Danjire jamal bakar ayaa xusay tan iyo markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ( Dr.) in Itoobiya ka abuurmatay jawi ku habboon
xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan, waxaana tusaale u noqon kara midka wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta(UAE).
Danjiruhu wuxuu tilmaamay in dib-u-habaynta dhaqaale ee Itoobiya aysan fursado u abuurin Imaaraadka Carabta oo keliya, balse ay sidoo kale u abuurtay jawi wanaagsan oo kaga faa’iidaysan karaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah ee raadinaya fursado cusub.
Wuxuu intaasi ku daray mandaqada istaraatijiyadeed ee Itoobiya ku taallo ay siinayso faa’iidooyin badan oo ku wajahan Bariga Dhexe iyo dunida inteeda kale.