waxaan kacan kageysanayna sii Joogtaynta Guulaha Horumarineed ee laga gaadhay Deeganka Soomaalida. ;Jabhada wadaniga xoraynta ogadheen (ONLF) - ENA Af-Soomaali
waxaan kacan kageysanayna sii Joogtaynta Guulaha Horumarineed ee laga gaadhay Deeganka Soomaalida. ;Jabhada wadaniga xoraynta ogadheen (ONLF)
Jigjiga, Agaali/Sane,4,2018 (ENA) – Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogaadheen (ONLF) ayaa sheegtay inay qayb qaadan doonaan doorkeeda sii xoojinta iyo joogtaynta guulaha horumarineed ka hanaqaadayo Deegan somalida ee sannadihii u isbeddelku curtay .
Guddoomiye ku-xigeenka Jabhada wadaniga xoraynta ogaadheen (ONLF) Axmed Yaasiin ayaa xusay isbeddelka ka hor siyaasada ururku ahayd mid halgan hubeysan ku salaysan, sababtuna ahayd nidaamkii siyaasadeed oo haa mid takoorayey Deeganka islamarkaana ka madhnaa cadaalada.
Wuxuu kale oo uu sheegay in kaddib isbeddelladii siyaasadeed ka curtay Itoobiya iyo jawiga siyaasadeed ee ka hanaqaaday awgeed ay jabhadu ka tanaasushay halgankii hubeysnaa islamarkaana hadda ay ku jirto ka qaybgal iyo tartan siyaasadeed oo nabdoon
Guddoomiye ku-xigeenka Jabhada Axmed Yaasiin ayaa sheegay jabhadu qaddarinayo nabadda waarta ee ka hirgashay deegaanka Soomaalida muddadii isbeddelka, iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee la taaban karo ee laga fuliyay.
Wuxuu intaas ku daray in jabhadu ay diyaar u tahay ka qaybqaadashada guulahaas si loo siiwado islamar ahaantaana loo sii xoojiyo.
Wuxuu sidoo kale xusay inay jiraan shaqsiyaad ku dhaqmaya magaca xisbiga kuwaas oo isbahaysi la sameeyay xoogagga hubeysan ismar ahaantaana aqbalay ajandooyinka shisheeye ku hawlan falal burburinta dalka.
Wuxuu cadeyey in dadka noocaas ahi aysan meel ku lahayn jabhada isagoo sheegay in jabhadu la shaqeyn doono cid kasta oo kale si looga hortago falalkooda nuucaasa .
Guddoomiye ku-xigeenka Jabhada wadaniga xoraynta ogadheen Axmed Yaasiin mar uu kahadlayey qaybgalka jabhada ee Doorashadii Guud ee Toddobaad ee Itoobiya ka turjumayso qaybgalka siyaasadeed ee xooggan ee jabhadu ku leedahay deegaanka Soomaalida.
Wuxuu intaas ku daray in jabhadu sii wadi doono ka qaybqaadashada dhismaha nidaam dimuqraadi ah iyada oo loo marayo halgan siyaasadeed oo nabadeed.
Guntii iyo Gunaanadkii wuxuu sheegay in xisbiyada siyaasadeed ka dhadhaqa Itoobiya ay waajib ku tahay inay si habboon uga faa’iidaystaan jawiga siyaasadeed ee kajira dalka kaas oo dhashay isbeddellada, islamarkana ka shaqeeyaan danaha dalka iyo horumarka guud ee dalka.