Waxaa cafis loo fidiyay 1,655 Itoobiyaan ku xidhnaa wadanka Saudi Carabiya, islamarkaana waxaa la joojiyay maxamadayntoodii. - ENA Af-Soomaali
Waxaa cafis loo fidiyay 1,655 Itoobiyaan ku xidhnaa wadanka Saudi Carabiya, islamarkaana waxaa la joojiyay maxamadayntoodii.
Addis Ababa, Agaali, Sane /4 /2018 (ENA) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in 1,655 Itoobiyaan ah oo ku xirnaa sucuudi Carabiya cafis loofidiyey islamar ahaantaana lalaalay dacwadihii maxkamada.
Wasaarada arimaha dibada ayaa sheegtay in Itoobiyaan-kan cafiska loo fidiyay ka dambaysay dadaallo dhanka diblomaasiyadeed oo iskakaashadeen safaaradda Itoobiya ee fadhiyeedu yahay
Riyadh iyo qunsuliyadda Jeddah.
Wasaarada Arrimaha dibada ayaa sheegtay arintani timiday markii dawladu hirgaliyay in ay xoogan saarto siyaasada diblomaasiyadda ku saleysan muwaadiniinta.
Dowladdu waxay kale oo ay sheegtay in ay siiwadi doont dabagalka arrimaha kale ee sucuudi Carabiya ka taagan ee u baahan dadaallo diblomaasiyadeed oo dheeraad ah, iyadoo la raacayo siyaasadda diblomaasiyadeed ee ku saleysan muwaadiniinta.
Sidaasi darteed dowladda ayaa ugu baaqday in shacabku ka taxaddaraan tahriibayaasha sharci darrada ah iyo khiyaanooyinka lagu faafiyo baraha bulshada marka dadku raadinayaan fursado ay dibadda ugu safrayaan.
Gabagabadii dawladu waxay sheegtay inay ku dadadalayso sidii loo ciribtiri lahaa tahriibayaasha.