Miisaaniyada sanadka 2019 T. I. oo ah 2.339 Tiriliyan ayaa la horgeyey Golaha wakiilada Shacabka. - ENA Af-Soomaali
Miisaaniyada sanadka 2019 T. I. oo ah 2.339 Tiriliyan ayaa la horgeyey Golaha wakiilada Shacabka.
Miisaaniyadda dowladda federaalka ee qabyada ah ee sannad-maaliyadeedka 2019 ayaa la horgeeyey Golaha Shacabka taas oo dhan 2.339 tirilyan oo birr.
Kalfadhiga Golaha Wakiillada Shacabka ee 6aad, sannadka shaqeddkiisii 5 kulankiisii caadiga ahaa ee 25-aad oo falanqeynayo miisaaniyadda taas oo Golaha uu soo hordhigay Wasiirka Maaliyadda Ahmed Shide si loo qabyo-tiro miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanad miisaaniyadeedka 2019 T.I
Wasiirka Maaliyadda Ahmed ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay saldhigyada iyo odoroska lagu dhisayo qoondaynta sanadka maaliyadeed ee soo socda, Iyodoo lagu salaynayo jihada guud ee dhaqaalaha Itoobiya (macro-ecoomi), iyo sidoo kale aragtida iyo waxqabadka dhaqaalaha ee sanad maaliyadeed hadda gabagabada ku dhow.
Wasiirka Maaliyadda Ahmed Shide ayaa waqti xaadirka Golaha Shacabka u soo bandhigayay faahfaahinta miisaaniyadda qabyo-qoraalka ah.
Wuxuuna sheegay Miisaaniyaddan u diyaarsan tahay iyadoo la tixgelinayo qorshayaasha horumarineed iyo kuwa dhaqaalaha guud ee dalka (macro-economics) ah ee dowladdu dejisay.
Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in miisaaniyadda sanadka 2019 T. I, ay dhan tahay 1.236 tirilyan birr loo qoondeyn doono kharashaadka joogtada ah, halka bilyan 568.2 bilyan birr loo adeegsan doono kharashaadka raasumaalka.
Waxay sidoo kale la a sheegay in 520.6 bilyan birr loo qoondeyn doono taageerada miisaaniyadda ee dowlad-deeganada dalka , sidoo kalena 14 bilyan birr loo adeegsan doono fulinta yoolalka horumar waara ee dawalad deeganada .
Waxay kale oo uu shegay in 52.9% guud ahaan miisaaniyadda, oo ah qayb weyn, loo qoondeeyay kharashaadka joogtada ah.
Waxay sidoo kale sheegay lacagtan oo ah 542 bilyan birr loo adeegsan doono bixinta deynta gudaha iyo tan dibadda.
Waxay sidoo kale sheegay kharashaadka joogtada ah looga isticmaali donono 236.4 bilyan birr loona qoondeeyay bacriminta, kabka