Bilowga Taariikhda cusub ee dunida casriga ee dhanka dhijitaalka maaha dhamaadkeena, balse waa bilowga aan ku dardargelinayo himiladeena qaran - Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agali, Sane 4, 2018(ENA) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay safarka cusub ee taariikhiga ah ee Itoobiya ku billowday isu diyaarinta dunida dijitaalka uusan ahayn dhammaadka safarka dalka, balse uu yahay bilowga lagu dardargelinayo himilada qaran.

Raysalwasare ayaa ugu hambalyeeyay guusha barnaamijka qaran 5 Milyan ee Ethio- Coders” ay ku guulaysteen shacabka Itoobiya,

Ra’iisul Wasaaruhu kale oo uu xusay hadafkii loo qorsheeyay uu ahaa muddo saddex sano ah lagu xaqiijiyo lkn wax ka yar laba sano gudahood lagu dhameyey.

Waxa kale sheegay in tan iyo markii la bilaabay barnaamijka “5 Milyan Ethi- Coders” 16-kii Hamle 2016 T.I., ay isdiiwaangeliyeen 5,005,146 qof oo tababarro ka qaatay barnaamijyada kombiyuutarka, falanqaynta xogta, horumarinta Android-ka iyo aasaaska Sirdoonka Macmalka ah (AI),waxaana si buuxda u dhamaystay tababarka Barnamijka dhigitalka in ka badan 3 milyan oo qof.

Dhanka kale Raysalwasara ayaa sheegay in Guushani caddeyn u tahay go’aanka adag iyo awoodda aan xadka lahayn ee shacabka .

Ra’iisul Wasaaruhu xusay in guushan aysan ahayn dhammaadka socdaalka Itoobiya ee dhanka dijitaalka, balse ay tahay bilow cusub.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabwaynaha Itoobiya inay ka qayb qaataan himilada qaran ee lagu gaarsiinayo tirada tababartayaasha 7 milyan oo qof marka la gaaro Hamle 2018 T. I. .

Raysalwasara Mar uu ka hadlayey dhanka ardayda da’yarta ah, ayuu sheegay in fasaxa xagaaga soo socda uu fursad weyn u yahay oo ay ka faa’iidaystaan.

Wuxuuna dhalinyarada ardayda aha ugu baaqay in waqtiga qaaliga ku luminin wax aan faa’iido lahayn oo Isdiiwaangeliyaa oo qaatan tababarkan.

Wuxuu kale oo ardayda adayarata ah sheegay inay marka ku laabataan dugsiyadii ayna ahaan doonanin arday keliya, balse ay noqon doontaan hoggaamiyeyaal dhijitaal oo aqoonsi caalamiga leh.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in tababarradu ay yihiin bilaash gebi ahaanba, isla markaana shahaadooyinka helayaan yihiin kuwo caalamiya oo la aqoonsanyahay.

“Mustaqbalka aad dhisaysaan wuxuu bilaabmaa maanta.”

Waa inaad iska diiwaangelisaan:-

Wakaalada Warka Itoobiya
2015