Golaha Wasiirrada ayaa Kalfadhigiisa 56-aad ee caadiga ahaa ka doodaay arimha kale duwan, islamarkaana Go’aano ka soo saaray. - ENA Af-Soomaali
Golaha Wasiirrada ayaa Kalfadhigiisa 56-aad ee caadiga ahaa ka doodaay arimha kale duwan, islamarkaana Go’aano ka soo saaray.
Addis Ababa, Agali/Sane3 ,2018 T.I. I. (ENA) – Golaha Wasiiradda ayaa kulankiisii 56-aad ee caadiga ahaa ee maanta qabsoomayayaa ka wadaxajoday arrimo kala duwan isla markaana kasoosaaray go’aanno dhowr ah.
Go’aannada Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wasiirrada
1. ugu horeyn golaha ayaa kawada doodeen Qaab-dhismeedka Dhaqaale iyo Maaliyadeed ee Muddada Dhexe (2019–2023 T. I.)
Hadaba Tan iyo markii la hirgeliyey barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaale ee guud ee dhamaystiran, dhaqaalaha Itoobiya wuxuu si tartiib tartiib ah uga soo kabanayay caqabadihii haystay, iyadoo saldhigyada dhaqaaluhuna ay sii xoogaysanayeen.
Qaab-dhismeedkan waxaa loo diyaariyey si loo sii adkeeyo loona joogteeyo natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dib-u-habaynta dhaqaalaha guud . Sidoo kale wuxuu noqonayaa saldhigga diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanad maaliyadeedka ee 2019 T. I. , iyadoo lagu salaynayo odorosyo dhaqaale iyo maaliyadeed oo muhiim ah.
Kadib dood dheer oo lagu falanqeeyey, Golaha Wasiirrada ayaa si wadajir u ansixiyeen hirgelinta qaab-dhismeedkan.
2. Ugu dambayn Golaha Wasiirradu ka doodeen Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka Maaliyadeedka 2019 T. I.
Hadaba Miisaaniyada Dawlada Federaalk ee 2019 T.I, waxa lagu saleeye Qorshaha Horumarinta iyo Maalgashiga 2019–2021 T. I, oo ka mid ah Qorshaha Horumarinta Tobanka Sano ee dalka, waxaa kale oo lagu saleeyey Qaab-dhismeedka Dhaqaale iyo Maaliyadeed ee Muddada Dhexe (2019–2023,T. I.,sidokale Waxqabadka miisaaniyadda barnaamijka ee sanadkan 2018, Mudnaanta iyo ujeeddooyinka isbeddelka dhaqaale iyo bulsho ee la filayo mustaqbalka iyowaliba
Qiimeyn lagu sameeyay awoodda maaliyadeed ee dowladda iyo baahiyaha kharashaadka hay’adaha fulinta marka la eego waajibaadkooda iyo masuuliyadahooda.
Sidaas awgeed , miisaaniyad dhan 2,339,268,126,738 Birr.Laba Tiriliyan, Saddex Boqol Soddon iyo Sagaal Bilyan, Laba Boqol Lixdan iyo Siddeed Milyan, Boqol Labaatan iyo Lix Kun, Toddoba Boqol Soddon iyo Siddeed Birr) ayaa loo gudbiyay Golaha.
Sidoo kale Miisaaniyaddan waxaa loo qoondeeyay Kharashaadka joogtada ah,
Kharashaadka raasamaalka,
Taageerada dowlad-deeganada dalka, iyo
Taageerada hirgelinta Yoolalka Horumarinta Waarta.
Ugu dambayn dood ballaaran oo lagu sameeyay hindise sharciyeedka miisaaniyadda,2019 T.I.
Golaha Wasiirradu si wadajir ah ayey u go’aamiyeen iyada oon lagu daro talooyin dheeraad ah, kadibna loo gudbiyo Golaha Shacabka si loo tixgeliyo loona ansixiyo.
See less