Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed (Dr.) ayaa hambalyo u gudbiyey dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Hindhiya Narendhara Moodhi.

 

Addis Ababa, Agali sane 3 2018 (ENA) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ( Dr. ) ayaa farriin hambalyo ah u diray dhigiisu Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendhara Moodhi isagoo ugu hambalyeeyay inuu noqday hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee soomara taariikhda wadanka Hindiya.

Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed (Dr. ) wuxuuna yidhi:-

“Walaalkayga qaaliga ah ahna saaxiibkay Narendhara Moodhi waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan kuugu hambalyeeyo guushaada taariikhi ah ee shacabka ugu facawayn kusiiyeen kalsoonida aad ku hoggaaminayso saddex xilli oo sida dimuqraadiyad ah oo waliba isdaba joog ah, adigoo leh aragti fog iyo go’anaasho adag.


 

Ra’iisul Wasaare Abiy ( Dr. ) ayaa xusay in hoggaanka Mondhi uu malaayiin muwaadiniin oo dalkaasi ah ka saaray saboolnimada, sidoo kale si weynna u ballaariyay kaabeyaasha adeegyada dadweynaha sidadhijitaalka ah.

Waxa kale oo uu horseeday dalka horumar aan hore loo arag oo dhinaca kaabeyaasha dhaqaalaha ah, taasi oodhalisay koboc dhaqaale oo degdeg ah iyo isbeddel muuqda.


 

Sida uu ku sheegay qoraal Kan Abiy Axmed (Dr.) oo uu soodhigay boggiisa baraha bulshada ayuu ku cadeyey guulahaasi inay si weyn uga qayb qaateen horumarka Hindiya ee muddada uu Moodhi hoggaaminayay.

Ra’iisul Wasaare Abiy (Dr.) ayaa sidoo kale ku ammaanay Narendhra Modhi inuu si joogto ah cod xooggan ugu ahaa masraxa caalamka gaar ahaan Dalalka aduunka ee koonfuur .

Wakaalada Warka Itoobiya
2015