Wada shaqaynta u dhexeysa Afrika iyo Yurub ee Wax ka Qabashada Caqabadaha Caafimaad iyo Bani’aadantinimo. Ayaa meel fiican maraysa .

Addis Ababa,Agali/Sane 2018 T.I. (ENA) –

 

Midowga Yurub ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga uu la leeyahay Afrika si wax looga qabto caqabadaha caafimaad iyo kuwa bani’aadantinimo.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gideon Timotoos ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana wadaxajood la yeeshay Hadja Lahbib.

 

Wasiirku wuxuu muujiyay taageerada Midowga Yurub ee la xiriirta wax ka qabashada caqabadaha caafimaad ee caalamiga ah, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay iskaashiga iyo wada-shaqeynta uu Midowgu muujiyay, gaar ahaan dadaallada wadajirka ah ee lagu xakameynayo cudurka Ebola.

 

Sidookale wasiirka ayaa sheegay taageerada uu Midowga Yurub siiyay Xarunta Afrika ee Ka Hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada (Africa CDC) ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ka hortagga khataraha caafimaad ee caalamiga ah ee suurtagalka ah.

 

Waxaa kale oo Wasiirka arimaha dibada Timotoos Uga warbixiyey komishaneerka xaaladaha nabadda iyo amniga ee waqti xaadirka ka taagan Geeska Afrika.

 

Dhankeeda Komishaneer Hadja Lahbib ayaa sheegtay in Midowga Yurub ka go’an tahay inay sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga uu la leeyahay Afrika.

 

Gabagabadii Waxay carrabka ku adkaysay in Midowgu diyaar u yahay inuu si wadajir ah ula shaqeeyo Afrika si wax looga qabto caqabadaha caafimaad iyo kuwa bani’aadantinimo ee u baahan xalal wadajir ah, sida ay sheegayso Xogtan oo ka helnay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

 

 #wakaald wararka itoobiya #ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015