Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in codbixinta goobo gaar ah ay bari ka dhicidoonto .

Addis Ababa, Agali/sane/ 2018 (ENA) – Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in codbixinta doorashada guud ee 7-aad lagu qaban doono berrito goobaha codbixinta ee gaarka ah ee loo asteeyay dadk ku barakacay gudaha dalka iyo xeryaha ciidamada.

 

Sida lawada ogsoon yahay Guddigu ayaa xusay in horey u dhacday habka codbixinta doorashada guud ee 7-aad maalintii Isniinta, oo ku beegnayd Meecaad 24, Ginbot 24, 2018 T.I.

 

 Guddida ayaa sidoo kale sheegay in waqti xaadirkan ay ku hawlan yihiin xaqiijinta natiijooyinka ka imanaya xafiisyada goob dooroshooyinka ee loo soo gudbinayo xarunta dhexe ee Guddiga, dib-u-eegista natiijooyinka leh helitaanno hanti-dhawr , iyo gelinta natiijooyinka laxaqiijiyay keydka xogta.

 

 Guddigu sidoo kale waxa uu ku hawlan yihiin abaabulka iyo dhageysiga marqaatiyada cabashooyinka ay soo gudbiyeen xisbiyada siyaasadda iyo musharraxiinta madax-bannaan, iyadoo la adeegsanayo guddi khubaro sharci ah.

 

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in natiijooyinka mara habraacyadan kadib loo gudbin doono oggolaanshaha iyo go’aanka guddiga, isla markaana si rasmi ah loogu shaacin doono dadweynaha iyadoo la raacayo sharciga.

 

Guddigu isagoo ku duulaaya awoodda uu siiyay “xeerka Doorashooyinka, Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Xeerka Anshaxa Doorashada Itoobiya Lr. 1162/2011, Qodobka 17 ayaa la sameeyay goobo codbixin oo gaar ah oo loogu talagalay dadka gudaha dalka ku barakacay iyo xeryaha ciidamada, si deggeneyaasha xeryahaas loogu diiwaangeliyo inay ka qayb qaataan doorashada guud ee 7-aad.

 

Isusoowada duubo gudidu ayaa u xaqijinaya codbixinta muwaadiniinta u diiwaangashan inay ka codeeyaan xeryahan ay berrito ka dhici doonto goobaha codbixinta ee gaarka ah ee loo asteeyay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015