Doorashadii 7-aad ee Guud waxay ahayd mid ay Haweenku si Firfircoon ugu Adeegsadeen Xuquuqdooda Dimuqraadiyadeed. - ENA Af-Soomaali
Doorashadii 7-aad ee Guud waxay ahayd mid ay Haweenku si Firfircoon ugu Adeegsadeen Xuquuqdooda Dimuqraadiyadeed.
Addis Ababa, miicaad, Gunboot 30, 2018 (ENA) – madaxwaynaha Ururka Haweenka ee magalada Addis Ababa Inaatelam Indhale ayaa sheegtay in Doorashadii 7-aad ee Guud ay ahayd doorasho xor ah oo caddaalad ah, taas oo haweenku si firfircoon ay uga qayb qaateen iyagoo ka faaiidayaanaya xuquuqdooda dimuqraadiyadeed.
Sida lawada ogsoon yahay Doorashadii 7-aad ee Guud oo Itoobiya ayaa dhacday Miicaad, 24 (Gunboot) 2018 T.I waxaa kormeerayey geedi socodka dooroshinka kooxo kormeerayaal ah oo ka kale socday Midowga Afrika, Ururka goboleed ka IGAD iyo ururro kala duwan oo bulshada rayidka ah.
Hadaba Ururka Haweenka Addis Ababa ayaa ka mid ahaa 55 urur oo rayid ah oo gudaha dalka ah kuwaas oo kormeeray doorashada.
Ugu horeyn Wareysi ay siisay Wakaaladan Wararka Itoobiya (ENA) Madaxwaynaha Ururka Haweenka ee magalada Addis Ababa Marwo Inaatalam Indhaale waxay sheegtay in doorashadu tahay muujinta dimuqraadiyadda, maadaama ay muwaadiniintu ku isticmaalaan xuquuqdooda iyagoo dooranaya xisbigii siyaasadeed ee ay aaminsan yihiin inuu danahooda ugu adeegayo.
Waxa kale oo ay xustay in ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada uu muhiim u yahay dhismaha qaran adag, iyadoo sheegtay in Doorashadii 7-aad ee Guud ay abuurtay jawi siyaasadeed oo si cad ka muuqatay qaybgalka firfircoon ee haweenka.
Waxay kale oo ay sheegtay in ururkoodu kaddib markii uu oggolaansho ka helay Guddiga Doorashooyinka Itoobiya uu bixiyay barnaamijyo waxbarasho oo ku saabsan muwaadinnimada iyo doorashada si loogu dhiirrigeliyo haweenka inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashada guud isla markaana u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed.
Dhanka kale Waxay sheegtay in ururku tababar siiyay in ka badan 2,000 xubnood wuxuuna u diray kormeerayaal doorasha maalintii codbixinta.
Waxay intaas ku dartay in muwaadiniin badan ay qaateen kaararka codbixinta oo ay codkooda dhiibteen.