Qorshaha loo dejiyey in Itoobiya ku guulaysato Doorashadii 7-aad ee Guud ayaa si guul leh u fushay – Aadan Faarax - ENA Af-Soomaali
Qorshaha loo dejiyey in Itoobiya ku guulaysato Doorashadii 7-aad ee Guud ayaa si guul leh u fushay – Aadan Faarax
Addis Ababa,Miicaad 30/ 2018 (ENA) – Mudane Aadan Faarax, Madaxa Xarunta Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda Lehna Awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen , ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, ayaa sheegay in qorshaha iyo hawlaha waaweyn ee uu xisbigu qaaday si loo xaqiijiyo guusha Doorashadii 7-aad ee Guud iyo in Itoobiya gaarto yoolalkeeda qaran si guul leh loo fuliyey.
Farriin uu ku baahiyey boggiisa baraha bulshada ayuu Mudane Aadan Faarax ku sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay Hogaaminta sare ee xisbigu kulan ku yeeshay Xarunta Daxiiska Shebelay Resort ee Dowlada Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay si qoto dheer ugu qiimeeyeen fulinta hawlihii doorashada ee Xisbiga Barwaaqo ilaa maalintii codbixinta, isla markaana la islaa qaatay guud hawlaha la qabanayo doorashada kadib.
Wuxuu uga mahadceliyey dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay guusha doorashada, oo ay ku jiraan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, xisbiyada siyaasadeed ee tartamay, hay’adaha amniga ee dalka iyo kuwa dowlad-deegaannada,Goob joogayaasha heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee , iyo gaar ahaan shacabka Itoobiya oo muujiyey dadaal ballaadhan oo ku aaddan dhismaha hay’adaha dimuqraadiga ah, iyagoo safaf dhaadheer ugu jiray codbixinta laga bilaabo 4:00 habeenimo ee dambe ilaa 4:00 habeenimo ee xigtay, kana shaqeeyey sidii doorashadu ugu dhici lahayd si guul leh.
Intii uu socday kulanka qiimeynta, hoggaamiyeyaasha sare ee ka qaybgalay shirku waxay sidoo kale booqdeen mashaariic horumarineed oo waaweyn oo ka socda magaalada Jigjiga, ee caasimadda Dowlada Deegaanka Soomaalida.
Intii booqashada lagu guda jiray waxaa la booqday horumarka muuqda ee lagu fuliyay dadaallada dowladda deegaanka iyo ka qayqaadashada bulshada deegaanka.
Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in mashaariicda horumarinta marinada maggaalada Jigjiga ay si buuxda u beddeleen billicda magaalada, kuwaas oo kor u qaaday koboca dhaqaalaha.
Wuxuu intaa ku daray in mashaariicdani ay abuureen fursado shaqo oo ballaaran, isla markaana ay magaalada ka dhigeen xarun goboleed muhiim u ah horumarka iyo ganacsiga.
Isagoo ka hadlayey Isbitaalka Booliska ee cusub oo ay dhistay dowladda deegaanku isla markaana diyaarka u ah billabida addeega, wuxuu sheegay in marka laga soo tago adeegga uu siinayo bulshada deegaanka, uu si hufan addeeg u siin doono adeegyada caafimaadka ee booliska iyo qoysaskooda, taasoo kor u qaadaysa niyadda iyo dadaalka ciidamada amniga ee gudashada waajibaadka qaran.
Mudane Aadan Faarax wuxuu carrabka ku adkeeyey in mudnaanta koowaad ee Xisbiga Barwaaqo ay tahay adeegga bulshada iyo casriyeynta hababka adeeg bixinta.
Wuxuu sheegay in xarumaha adeegg hal goob laga wada helo ee Mesob la dhisay ama dhismahoodu gabagabo ku dhow yahay guud ahaan Itoobiya, ay meesha ka saarayaan caqabadaha dhanka adeega, isla markaana si weyn u kordhinayaan qanacsanaanta muwaadiniinta.
Guud ahaan, wuxuu xusay in isbeddellada degdegga ah ee dhinacyo badan leh ee laga fuliyay magaalada jigjiga ay caddayn u yihiin dadaalada wax ku oolka ah oo muujinaya waxtarka fikradaha iyo siyaasadaha horumarinta iyo maamul-wanaagga ee Xisbiga Barwaaqo.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in koboca degdegga ah ee magaalada uu yahy mid dhiirrigelinta leh, muujinay dadaalada Itoobiya barwaaqo ah ee mustaqbalka ah isla markaana tusaale u noqonaysa deegaannada kale.
Ugu dambayn, wuxuu sheegay in iyadoo la isku dhafayo dimuqraadiyad dhabta ah iyo guulahaha la taaban karo ee dhinacyada horumarka, maamul-wanaagga iyo nabadda ah, ee Itoobiya ay sii xoojin doonto guulaheeda ku aaddan xaqiijinta barwaaqada qaran ee loo dhan yahay.
Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA).