16.9 milyan oo kiintal oo wax soo saarka bunka/kafayga/ ah ayaa sanadkan laga helay Deegaanka Oromia .

Addis Ababa; Miicaad 28/2018 (ENA) – Xafiiska Beeraha ee deegaanka Oromiya ayaa ku shegay in wax sosaar bun/kafee/ ah oo dhan 16.9 milyan oo kiintal laga helay deegaanka Oromia xilligii wax soo saarka ee la dhammeeyay.

Agaasimaha Tayada iyo Horumarinta buunka/Kafeega/ ee Xafiiska beeraha , Takele Hailemariam, ayaa u sheegay ENA; Tan iyo markii horumarinta buunka /kafeega /ee deegaanka dib loohabeyay oo loo hirgeliyay hindise gaar ah, wax soo saarka kafeega iyo wax soo saarka kalaba ayaa si weyn u kordhayay.

Agaasimaha, ayaa xusay in nolosha iyo hab-nololeedka beeralayda ay si toos ah ugu xirantahay horumarinta kafeega; sidaas awgeedna in hirgelinta ballaaran ee casriga ah ee horumarinta kafeega ay kordhinayso faa'iidooyinka dhaqaale ee beeralayda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015