Tayeynta Xarumaha Adeegbixinta Caafimaadka waa ahmiyada 1aad ee xukuumada DDS. - ENA Af-Soomaali
Tayeynta Xarumaha Adeegbixinta Caafimaadka waa ahmiyada 1aad ee xukuumada DDS.
Addis Ababa; Miicaad 13/2018 (ENA): Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa Xadhigga ka Jaray Waaxda Bukaan-jiifka Cisbitaalka Fiiq, sidookalena Dhagax-dhigay Waaxda Hooyada iyo Dhalaanka.
Cisbitaalka Fiiq ayaa adeegyo caafimaad oo kala duwan siiya bulsho tiro badan, waxaana maanta si rasmi ah loo daah-furay waaxda bukaan-jiifka. Sidoo kale, waxaa la dhagax-dhigay waax casri ah oo hooyada iyo dhalaanka ah, taas oo ku baxdayso 217 milyan oo Birr.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in la sii xoojin doonto horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan adeegyada caafimaadka.
Dhanka kale, qaar kamid ah musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee Gobolka Erer ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu wado qorshayaal horumarineed oo wax weyn ka tari doona adeegyada iyo horumarka bulshada.