Arrimo Caafimaad …

Waa maxay Infekshanka Caruurta (0–28 maalmood)

Infekshanka caruurta waa marka jeermis (bakteeriyo) uu galo dhiigga ilmaha una faafo qaybo kala duwan oo jirka ah muddada u dhexeysa maalinta dhalashada ilaa 28 maalmood. Khubaradu waxay sheegaan in tani tahay xaalad halis ah oo u baahan in si degdeg ah loo ogaado loona daaweeyo.

Sababaha keena infekshanka

Infekshanka caruurta badanaa waxaa keena bakteeriyo. Kuwa ugu badan waxaa ka mid ah Escherichia coli – bakteeriyo ku nool mindhicirka, mararka qaarna keenta caabuq.

Group B Streptococcus – bakteeriyo ka mid ah nooca Streptococcus, oo halis ku noqon karta dhallaanka. Listeria monocytogenes – bakteeriyo keenta cudurka listeriosis, oo khatar ku ah uurleyda iyo dhallaanka.

Arrimaha kordhiya halista

Waxyaabaha ilmaha halista gelin kara waxaa ka mid ah: biyaha uurka oo daata in ka badan 18 saacadood ka hor dhalmada, infekshan ku dhaca hooyada xilliga dhalmada sida caabuqa makaanka (chorioamnionitis) ama kaadi-mareenka, foosho dheer, kormeer uur oo aan ku filnayn, iyo in guriga lagu umulo halkii xarun caafimaad laga umuli lahaa.

Sidee loo hortagi karaa

Si looga hortago, waa in la gartaa arrimaha halista ah lana qaadaa tallaabooyin hore. Haddii biyaha uurku daataan ka hor foosho, hooyadu waa inay si degdeg ah ula kulantaa dhakhtar. Infekshannada hooyada inta uurka lagu jiro waa in si sax ah loo daaweeyaa. Waxaa kale oo muhiim ah kormeer uur joogto ah iyo in lagu umulo xarun caafimaad.

Kadib dhalashada, waa in laga ilaaliyo ilmaha qof qaba qufac ama cudur faafa. Guriga waa in aanay ka jirin qiiq. Waalidiintu waa inay si joogto ah ula socdaan calaamadaha halista ah ee dhallaanka.

Calaamadaha lagu garto

Calaamadaha halista ah waxaa ka mid ah: neefsasho degdeg ah, qaylo ama baroor dheer, qandho ama qabow aad u daran, gariir jirka ah, nuugid la’aan naas, hurdo badan iyo miyir la'aan, matag badan oo joogto ah, indho iyo jir jaalle noqda, dibiro, iyo bushimo ama carrab madoobaada.

Sida loo daaweeyo

Haddii calaamadahan la arko, ilmaha waa in si degdeg ah loogu qaadaa xarun caafimaad. Halkaas waxaa lagu qiimeeyaa neefsashada, waxaana la siin karaa oksijiin haddii loo baahdo. Qandhada waa la dejinayaa, haddii jirku qabowna qalab diirinaya ayaa la adeegsadaa. Haddii sonkorta dhiigga hoos u dhacdo, waxaa la siiyaa gulukoos.

Waxaa sidoo kale la sameeyaa baaritaanno dhiig iyo dheecaan laga qaado laf-dhabarka (CSF) si loo ogaado nooca infekshanka. Daaweynta ugu weynna waa antibiyootik (daawo ka hortagta ama disha bakteeriyada keenta caabuqa jirka) lagu siiyo cirbad.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015