Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabo'gabeeyay kulan lagaga wada hadlayay mashruuca isdhexgalka bulshada deegaanka iyo bulshada barakaca ah - ENA Af-Soomaali
Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabo'gabeeyay kulan lagaga wada hadlayay mashruuca isdhexgalka bulshada deegaanka iyo bulshada barakaca ah
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Kulanka ayaa sadexdii maalmood ee u dambaysay ka socday magaalada Jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday Ururka Golobaleedka IGAD iyo ergooyin ka kala socday wadamada xubnaha ka ah Urur-gaboleedka IGAD.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la iskula lafaguray qodobo ay ka mid ahaayeen doorka ay magaalooyinku ku leeyihiin adkaynta dhaqan dhaqaale ee bulshada deegaanka iyo bulshada barakacayaasha, sidii xalwaara loogu heli lahaa bulshada barakaca iyo xoojinta isdhagalka bulshada deegaanka iyo khibrad wadaag ku saabsan magaalooyinka uu ka shaqeeyo mashruuca, iyadoo magaalo walba soo bandhigtay waxqabadkeeda mashruuca.
Masuuliyiinta kasoo qaybgalay shirka ayaa sidoo kale soo booqday qaybo ka mida goobaha adeegbixinta ee magaalada Jigjiga, sidoo kale barnaamijka dhaqo oo dheefo ee hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya