Waxaa magaalo-xuduudeedka Tog-wajaale lagu daahfuray mashaariic laga fulinayo Sanduuqa Socdaalka Urur Goboleedka Horumarinta Bariga Afrika - ENA Af-Soomaali
Waxaa magaalo-xuduudeedka Tog-wajaale lagu daahfuray mashaariic laga fulinayo Sanduuqa Socdaalka Urur Goboleedka Horumarinta Bariga Afrika
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka socota xafiisyada heer deegaan ee bahwadaagta ah, masuuliyiin ka socota Urur Goboleedka IGAD, maamulka Hay’adda OWDA, maamulka magaalada Tog-wajaale, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Mashaariicdan oo uu maalgalinayo Urur Goboleedka IGAD oo miisaaniyada ka helaya dawlada Jarmalka (KfW) islamarkaana ay fulinayso Hay’adda OWDA ayaa wajiga koowaad waxaa lagu hirgalinayaa mashaariico isugu jira xarunta dhalinyarada oo ka koobnaan doonta goobaha ciyaaraha kala duwan, goobaha akhriska iyo shirarka, horumarinta goobaha ganacsiga iyo adeegyad aasaasiga ah oo ay ku baxayso miisaaniyad dhan 720 milyan oo birr laguna dhamaystiri doono muddo 4 sano gudaheeda, kuwaas oo loogu talo'galy in lagu taageero magaalooyinka gobolka ee dhaca xuduudaha ee la kulma culayska bulshada isaga tallaabaysa dhinacyada.
Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan oo ay ugu horeeyaan Madaxa Xafiiska Ciyaaraha iyo Dhalinyarada DDS Mudane Maxamed Mahdi, Maamulaha Waaxda Caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada ee IGAD, Danjire Muuse Cali Maygaag iyo Maareeyaha Hay’adda OWDA Mudane Maxamuud Maxamed oo wax ka tilmaamay ahmiyadda ay mashaariicahani u leeyihiin horumarinta bulshada ayaa sidoo kale xusay in ay yihiin kuwo dhiirigalinaya shaqo-abuurka iyo gaadhidda isku filnaansho.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya