Itoobiya waxay soo saari doontaa wax soo saar kala duwan, waxayna sii wadi doontaa jidka ay ku xaqiijinayso madax-bannaanideeda buuxda – Tamasgan Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay soo saari doontaa wax soo saar kala duwan, waxayna sii wadi doontaa jidka ay ku xaqiijinayso madax-bannaanideeda buuxda – Tamasgan Tiruneh
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Tamasgan Tiruneh ayaa sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto wax soo saarka isla markaana ay xoojin doonto dadaalka ay ku xaqiijinayso madax-bannaanideeda buuxda.
Hadalkan ayuu ka jeediyay madasha xiritaanka bandhigga 4aad ee Itoobiya Wax ha Soo Sarato, oo socday muddo lix maalmood halkudhigna u ahaa “Madax-bannaani buuxda oo dhinacyo badan leh.”
Tamasgan ayaa sheegay in natiijooyinka laga gaaray warshadaha wax soo saarka ay muujinayaan horumarka iyo koboca dhaqaalaha Itoobiya.
Waxa uu xusay in dunida isbedelaysa maanta, ilaalinta madax-bannaanida qaranka ay u baahan tahay in la hoggaamiyo tartanka ama ugu yaraan lala socdo horumarka caalamka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warshadaha wax soo saarku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu gaaro horumar iyo adkeynta madax-bannaanida.
Waxa uu sheegay in dowladda ay hirgelisay dib-u-habeyn dhaqaale oo ka dhalatay falsafadda “Isku-darka,” taas oo dalka ka saartay dhibaatooyin hore isla markaana sare u qaaday sumcadda Itoobiya ee caalamka.
Tamasgan ayaa carrabka ku adkeeyay in madax-bannaanida dhabta ah lagu gaaro marka dalka uu si buuxda u soo saaro wax soo saar tayo leh, tiro badan oo ku saleysan aqoon, xirfad iyo tignoolajiyad gudaha ah.
Waxa uu intaa ku daray in haddii warshadaha wax soo saarku ay daciifaan, ay saameyn xun ku yeelanayaan dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda.
Waxa uu sheegay in dowladda ay sameysay siyaasado cusub, dhiirrigelin iyo golayaal qaran si loo xoojiyo warshadaha wax soo saarka.
Dhaqdhaqaaqa “Itoobiya Wax ha Soo Saarato” ayuu sheegay inuu noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah dib-u-habaynta dalka, isla markaana uu gaaray marxalad muhiim ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in la hagaajiyay helitaanka agabka wax soo saarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, saadka, shaqaalaha iyo jawiga ganacsi.
Tamasgan ayaa xusay in wax soo saarka gudaha uu kordhay, isla markaana uu saameyn togan ku yeeshay shaqo-abuurka iyo dhoofinta.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto horumarka wax soo saarka iyo dadaalka ay ku xaqiijinayso madax-bannaanideeda buuxda.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya