Dood-wadaag heer sare ah oo ay ka sooqaybqalen xubnaha lagu martaigaaday ee Shir-madaxeedka Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika ayaa ka socda Addis Ababa. - ENA Af-Soomaali
Dood-wadaag heer sare ah oo ay ka sooqaybqalen xubnaha lagu martaigaaday ee Shir-madaxeedka Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika ayaa ka socda Addis Ababa.
Addis Ababa, Duugato 30/2018 (ENA):Shir-madaxeedka ugu horreeya ee Saameeyayaasha Baraha Bulshada Afrika (ASMIS 2026) ayaa hadda ku jira maalintiisii labaad.
Shir-madaxeedka, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Pulse of Africa Media iyo AGA Tech Enterprises, ayaa ujeedadiisu tahay in adduunka loo soo bandhigo xogta dhabta ah ee Afrika iyo in la yeesho lahaanshaha isbeddelka dijitaalka ah.
Munaasabadda taariikhiga ah waxaa ka soo qayb geli doona 61 qof oo saameyn ku leh 30 waddan oo Afrikaan ah, iyadoo ay ku jbarahan ku xidhanyihiin ku dhawaad 321 milyan oo taageerayaal ah.
Intaa waxaa dheer, 120 qof oo hal aburayaal waxyaabaha ku jira Itoobiya oo kuxidhan 150 milyan ayaa sidoo kale ka qaybgelay shir-madaxeedka si loo qoro heersare oo adegsiga dijitaal ah oo cusub.
Maalintii ugu horreysay, ka qaybgalayaashu waxay booqdeen Machadka garaadka Macmalka ah ee Itoobiya, Bandhigga Tamart ee Itoobiya oo lagu qabanayo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis, iyo Warshadda lagu dubo kibsta /anjerada/ Gulele.
Waxay sidoo kale booqdeen mashaariic waaweyn iyo horumarin waddooyin ah oo ka socda Addis Ababa, iyo sidoo kale mashaariic horumarineed oo kala duwan.
Shirkan, oo kasocda Xarunta Diblomaasiyadda Afrika ee Addis Ababa, ayaa loogu talagalay in dib loogu habeeyo mustaqbalka dijitaalka ah ee Afrika.
Shirka maanta waxaa ka soo muuqan doona saddex doodood oo heer sare ah oo ku saabsan mustaqbalka abuurista macluumaadka iyadoo la adeegsanayo garaadka macmalka ah (AI), dhisidda muuqaal wanaagsan oo Afrika ah, iyo isku-dubaridka saameynta dijitaalka ah ee Ajandaha Midowga Afrika ee 2063.
Shirka waxaa loo arkaa hindise istaraatiijiyadeed oo ujeedadiisu tahay in lagu beddelo warbixinnada Afirka ka hadala horumarinta Afrika ee dhabta ah.
In ka badan 470 milyan oo taageerayaal dijitaal ah ayaa hadda daawanaya Addis Ababa.