Horumar la taaban karo ayaa laga gaaray kordhinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo dhalinyarada— Ergoge Tesfaye (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Horumar la taaban karo ayaa laga gaaray kordhinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo dhalinyarada— Ergoge Tesfaye (Dr.)
Addis Ababa, Duugato 20/2018 (ENA): Ergoge Tesfaye (Dr.) ayaa sheegtay in sannadadii isbeddelka la diiwaangeliyay guulo la taaban karo oo ku saabsan kordhinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo dhalinyarada.
Madasha wadatashiga ee halku-dhiggeedu yahay “Horumarka Bulshada ee Dhismaha Qaranka,” laguna soo bandhigayo natiijooyinka waaweyn ee laga gaaray waaxda bulshada, ayaa socota iyadoo uu joogo RW Abiy Axmed (Dr.).
Wasiiraddu waxay madasha ku soo bandhigtay guulaha waaweyn ee ay wasaaraddeedu gaartay siddeeddii sano ee la soo dhaafay. Waxay tilmaantay in la ogaaday farqiyo waaweyn oo jiray ka hor isbeddelka, isla markaana xalal degdeg ah loo helay, taas oo keentay guulo ballaaran.
Guulahaas waxaa ka mid ah dejinta siyaasado iyo qaab-dhismeed sharci oo lagu ilaalinayo xuquuqda muwaadiniinta, lagu xaqiijinayo ka-qaybgalka iyo ka-faa’iidaysiga, xoojinta hay’adaha, kobcinta fahamka xuquuqda iyo waajibaadka, xaqiijinta ka-faa’iidaysiga dhaqaale, iyo kor u qaadista dhaqanka taageeridda dadka nugul.
Waxay sheegtay in guulahaasi aysan ahayn tiro kaliya, balse ay si dhab ah u gaareen 4,330,948 dhalinyaro iyo 26,845,686 haween ah oo laga dhigay kuwo ka faa’iidaysta dhinaca dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo xoojiyay kordhinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo dhalinyarada, taas oo lagu gaaray natiijooyin muuqda.
Intaa waxaa dheer, xaqiijinta ka-faa’iidaysiga adeegyada bulshada ayaa noqotay mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee waaxdu gaartay.
Muwaadiniinta ay saameeyeen masiibooyin dabiici ah iyo kuwo bini’aadam sameeyay oo la taageeray, dadka laga saaray nolosha darbijiifka ee wadooyonka, dadka naafada ah ee helay adeegyo dib-u-soo kabasho, iyo hantida lagu ururiyay iskaashiga daryeelka bulshada ayaa lagu tilmaamay guulaha waaweyn, sida lagu sheegay xogta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya