Ka hor isbeddelka, waaxda waxbarashadu waxa ay ahayd mid si weyn u dhaawacan, isla markaana ka mid ahayd meelaha u baahnaa dib-u-habayn ballaaran oo degdeg ah— Brof. Birhaanu Nagaa

Addis Ababa, Duugato 20/2018 (ENA): Madasha wadatashiga ee lagu soo bandhigayo natiijooyinka waaweyn ee laga gaaray waaxda bulshada sannadadii u dambeeyay, hal-ku-dhiggna looga dhigay “Horumarka Bulshada ee Dhismaha Qaranka,” ayaa hadda socota iyadoo uu goobjoog ka yahay Abiy Axmed (Dr.).

Wasiirku wuxuu soo bandhigay guulaha waaweyn ee laga gaaray waaxda waxbarashada siddeeddii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu xusay in ka hor isbeddelka ay jireen culaysyo badan oo saameeyay tayada waxbarashada.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ahaa: tayo-xumo ka jirta kaabeyaasha iyo agabka, isu-dheelitir la’aan ku saabsan tirada ardayda iyo macallimiinta iyo ardayda iyo fasallada, yaraanta macallimiin ku filan noocyada kala duwan waxbarashada, hab-dhismeed waxbarasho oo aan waafaqsanayn baahida, helitaan la’aanta buugaagta, caddaalad-darro iyo sinnaan la’aan, hoos u dhac ku yimid kalsoonida waaxda, iyo tayo hoose oo ka jiray waxbarashada.

Isagoo arrimahaas ka duulaya, islamarkaana ku salaynaya daraasado la sameeyay, wasiirku wuxuu sharraxay isbeddellada waaweyn ee la hirgeliyay si wax looga qabto baahiyaha iyo caqabadaha waaxda.

Isbeddelladaas waxaa ka mid ahaa: diyaarinta iyo hirgelinta manhaj cusub, daabacaadda iyo gaarsiinta buugaagta, horumarinta macallimiinta iyo hoggaanka waxbarashada, ballaarinta waxbarashada, hagaajinta heerka dugsiyada, dib-u-habayn lagu sameeyay hay’adaha tacliinta sare, fidinta ICT iyo waxbarashada dijitaalka ah, hagaajinta diyaarinta iyo maamulka imtixaannada qaran, iyo kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tababarka.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015