Afrika ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay hirgelinta Ajandayaasha 2030 iyo 2063 si loo xaqiijiyo horumar waara

Addis Ababa, Duugato 20/2018 (ENA): Guddoomiye ku-xigeenka Komishinka Midowga Afrika, Selma Malika Haddadi, ayaa sheegtay in Afrika si ficil ah u muujinayso sida ay uga go’an tahay xaqiijinta horumar waara iyada oo hirgelinaysa Ajandayaasha 2030 iyo 2063.

Shirka 12aad ee Horumarka Waara ee Afrika ayaa ka furmay Addis Ababa, waxaana soo qabanqaabiyay Komishinka Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay iyadoo lala kaashanayo Midowga Afrika, Bangigq Horumarinta Afrika iyo hay’ado kale. Shirka waxaa hal-ku-dhegg u ah in la qaato hab mideysan oo dardar gelinaya gaarsiinta yoolalka Ajandayaasha 2030 iyo 2063.

Shirkan oo sanad walba la qabto wuxuu qiimeeyaa sida ay dalalka Afrika uga shaqeeyaan hirgelinta yoolalka horumarka waara ee labada ajande.

Selma Malika Haddadi waxay caddeysay in Ajandayaasha 2030 iyo 2063 aysan ahayn kuwo si gooni-gooni ah u socda, balse ay is taageeraan isla markaana wada shaqeeyaan si loo abuuro koboc dhaqaale oo loo dhan yahay kana turjumaya mid waara.

Waxay sidoo kale tilmaantay in Midowga Afrika qaaday tallaabooyin muhiim ah si qorshaha labaad ee tobanka sano ee hirgelinta Ajandaha 2063 looga dhigo mid ku saleysan baahiyaha dalalka xubnaha ka ah, iyadoo la waafajinayo qorshayaasha horumarineed ee qaran, miisaaniyadaha iyo siyaasadaha mudnaanta siinaya meelaha muhiimka u ah Afrika. Waxay ku boorrisay in iskaashi joogto ah iyo wada shaqeyn dhex marta dalalka Afrika ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta Afrika barwaaqo ah.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015