Degaanka Benishangul Gumuz waa astaan muujinaysa horumarka iyo wada noolaanshaha Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Temesgen Tiruneh

Addis Ababa; Duugato 19/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in degaanka Benishangul Gumuz uu yahay astaan muujinaysa horumarka iyo wada noolaanshaha Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Benishangul Gumuz uusan ahayn oo keliya degaanka uu ku yaallo Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya, balase ay socdaan hawlha horumarinta Itoobiya iyo astaan u ah iskaashiga dadka, sidoo kale waa xarun loogu talagalay horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo.

Wuxuu sheegay in degaanku uu yahay dhul ay ku noolyhiin dada dalkooda jecel iyo geesiga Galbeedka, Sheikh Hojele, halkaas oo haddii ciidda la beero taarikhdiisa waxbada laga barankaro , haddii dahabka la qodo, laga heli karo wax bada , sido kale degaanku waa astaan wada noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa gaadhay degaanka Benishangul Gumuz si uu u booqdo mashaariicda horumarinta, markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Asosa ee dib u curashada, waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha degaanka iyo golihiisa wasiirada, hoggaamiyeyaasha sare ee degaanka, hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha iyo dadka deggan magaalada Asosa.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh, oo muujiyay mahadnaqiisa ku aaddan xubnaha soo dhaweynta, ayaa sheegay in soo dhaweynta quruxda badan iyo diirran, oo ay weheliso qalabka dabaysha ee dhaqanka Zumbara, ay qalbigiisa ka buuxisay farxad.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuu booqan doono mashaariic horumarineed oo kala duwan inta uu joogodegaanka.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015