Raysal Wasaare Abiy Axmed (Dr.) Ayaa xadhigga ka jaray Afar warshadood oo laga dhisay Aagga Warshadaha Hawaasa.

Addis Ababa; Duugato 17/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo Marwada Koowaad Sinash Tayajaw ayaa si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca Toyo Solar Energy, warshadaha qoraxda ee Origin iyo Lumintech, iyo sidoo kale warshadda soo saarista gaaska ee HZ, kuwaas oo laga hirgeliyay Aagga Warshadaha ee Hawaasa.

 

Warshadahan qoraxda ayaa si wadajir ah u leh awood ay sanadkii ku soo saaraan 11.3 gigawatt oo tamar nadiif ah, halka warshadda gaaska ee HZ ay sanadkii soo saari doonto 900 tan oo oksijiin ah, 40,000 tan oo naaytrojiin ah iyo 7 tan oo haydarojiin ah si suuqa loo geeyo.

 

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mashruucyadan ayaa ah tallaabo weyn oo lagu dardargelinayo horumarinta tamarta dib loo cusboonaysiin karo ee Itoobiya, lagu xaqiijinayo amniga tamarta, isla markaana lagu gaadhayo koboc waara oo dhammeystiran.

 

 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya 

#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015