Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in la sameeyay shaqooyin habboon oo kor u qaadaya in dalka uu noqdo meel loo soo doonto dalxiiska caafimaadka caalamiga ah

Addis Ababa, Duugato 10/2018 (ENA): Wasiiru Dowlaha Caafimaadka, Saxarla Cabdulaahi, ayaa u sheegtay WWI in casriyeynta nidaamka caafimaadka ay horseedayso kobcin awooda dhinaca tiknoolajiyada, shaqaalaha iyo qalabka adeegga.

Waxay tilmaantay in shanta sano ee soo socota la hiigsanayo in Itoobiya noqoto xarun muhiim u ah dalxiiska caafimaadka, iyadoo la diyaariyay hannaan iyo jawi shaqo oo ku habboon arrintaas.

Si loo xoojiyo tartanka dalxiiska caafimaadka, xirfadlayaasha caafimaadka waxaa loo diyaarinayaa tababaro gudaha iyo dibaddaba ah, si ay u helaan aqoon iyo khibrad heer caalami ah.

Sidoo kale waxaa socda dadaal lagu hubinayo in xirfadlayaashu helaan shahaadooyin aqoonsi xirfadeed oo caalami ah.

Hay’adaha caafimaadka ayaa lagu qalabeynayaa tiknoolajiyo iyo agab casri ah, si ay u bixiyaan adeeg tayo leh oo lagu kalsoonaan karo.

Adeegyo hore uga koobnaa oo kaliya Addis Ababa, sida daaweynta kansarka iyo adeegyo kale oo takhasus leh, ayaa hadda lagu fidinayaa deegaannada si dadku uga helaan adeegga meel u dhow.

Casriyeynta xarumaha caafimaadka ayaa sidoo kale yareyneysa tirada muwaadiniinta u safra dibadda si ay u helaan daaweyn, taas oo kor u qaadaysa tartanka dalka ee dalxiiska caafimaadka.

Heerarka aqoonsiga xirfadeed ee caalamiga ah ee la ansixiyay ayaa door weyn ka qaadanaya kor u qaadista tayada adeegyada ee hay’adaha caafimaadka ee dowliga iyo kuwa gaarka ah.

Heerarkan ayaa kordhinaya kalsoonida muwaadiniinta gudaha iyo kuwa dibadda ee doonaya adeeg caafimaad oo Itoobiya laga helo.

Tani waxay door weyn ka qaadaneysaa ballaarinta dalxiiska caafimaadka iyadoo la daboolayo baahida dadka gudaha iyo kuwa dibadda ka imanaya.

Aqoonsiga ay bixisay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loo fidiyay Hay’adda Cuntada iyo Daawada ee Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhiirrigelinayo maalgashiga qeybta caafimaadka.

Waxaa kale oo la shaaciyay in xarumo cilmi-baaris heer sare ah oo ku saabsan daawooyinka iyo cuntada dhowaan la hawlgelin doono, taas oo sii kordhin doonta awoodda nidaamka caafimaadka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in la sii xoojin doono hawlaha casriyeynta nidaamka caafimaadka si loo kordhiyo tartanka Itoobiya ee dalxiiska caafimaadka caalamiga ah.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015