Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa daah-furay Shirkadda Jeeh Motors. - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa daah-furay Shirkadda Jeeh Motors.
Addis Ababa; Duugato 5 /2018 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa daah-furay shirkadda Jeeh Motors.
Shirkaddan oo ka shaqaynaysa soo dejinta noocyada kala duwan ee gaadiidka, gaar ahaan baabuurta ku shaqaysa laydhka (electric) iyo shidaalka labadaba, waxaa maalgeliyay C/raxmaan Maxamed Siciid oo ah mulkiilaha shirkadda.
Daah-furka shirkaddan ayaa imanaya xilli guud ahaan caalamku wajahayo yaraanta shidaalka.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo munaasibadda ka hadlay ayaa yidhi: “Isbeddelka kaddib, waxaa deegaanka maalgashi ka sameeyay in ka badan 5,000 oo maalgashadeyaal ah, kuwaas oo lacagta ay geliyeen ganacsiyadooda ay gaadhayso 70 bilyan oo birr.”
Sidoo kale, shirkaddu waxay ballanqaadday inay deegaanka keeni doonto gaadiidka gurmadka degdegga ah (ambalaasyo) oo ku shaqeeya laydh, kuwaas oo hal mar socon kara masaafo dhan 500 km, iyadoo la tixgelinayo baahida joogtada ah ee adeegyada caafimaadka degdegga ah.
Guud ahaan, isbadalkii ka dhacay deegaanka ayaa dhabaha ufuray in maalqabeenada deegaanka aay maalgashadaan deegaanka isla markaana shirkado waaweyn iyo warshado wax-soo-saar ay ku dhiiradan inay hantidooda ku aaminaan deegaanka, taasoo sii xoojinaysa koboca dhaqaalaha iyo horumarka adeegyada bulshada.
Munaasibadda daah-furka shirkaddan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, oo uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, odayaal-dhaqameed iyo marti sharaf kala duwan.