Maxaad Ka Taqaannaa Seeraha Qaranka Garaale?

Seeraha Qaranka Garaale waxaa aasaasay 2006 T.I, waxay ku taal Gobolka Daawa ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Seerahan ayaa 900 km u jirta Addis Ababa iyo 120 km u jirta magaalada Moyaale; Waxayna ka kooban tahay aag dabiici ah oo ballaaran oo daboolaya 38,580 oo hektar.

​Seeraha waxaa hore loogu yiqiin goob ugaarsi oo la xakameeyey, laakiin maanta waxay noqotay meel nabad ah oo xayawaanka duurjoogta ahi ay si xor ah ugu noolaadaan oo loo ilaaliyo.

​Seeruhu waa aag aamin u ah duurjoogta, shimbiraha iyo xayawaanno badan oo naadir ah iyo noocyo shimbiro kala duwan.

​Maadaama ay Seeruhu ku taallo meel u dhow dooxada Webiga Daawa, waxay leedahay muuqaallo qurux badan oo soo jiidasho u leh indhaha oo ku habboon sawir qaadista.

#Wasaaradda_Dalxiiska_Itoobiya


 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya


 

#Garaale


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015