Itoobiya iyo Burundi waa dalal ay ka dhaxeyso taariikh walaaltinimo iyo Xidhiidh ku Salaysan Ixtiraam iyo Qadarin — Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Duugato 2/2018 (ENA): Itoobiya iyo Burundi waa dalal taariikh qoto dheer oo walaaltinimo iyo is ixtiraam leh, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.).

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi Evaristo Ndiaye, oo booqasho rasmi ah ku yimid Addis Ababa.

 

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa bulshada in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Evaristo Ndiaye; "Sharaf weyn ayay ii tahay inaan idinku soo dhaweeyo dalkayga Itoobiya, oo hoy u ah dad iyo dhaqan cajiib ah.

 

Itoobiya iyo Burundi waxay leeyihiin taariikh qoto dheer oo walaaltinimo iyo is-ixtiraam ah, waxaana jeclaan lahaa inaan idin xasuusiyo inaan si weyn u qiimeyno xiriirka waara ee labada dal.


Shaki kuma jiro in joogitaankaagu uu sii xoojin doono xiriirkeenna annagoo ku dadaaleyna inaan riyadayada wadaagga ah u rogno mid rumowda mustaqbalka," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu, isagoo intaa ku daray inuu jeclaan lahaa inuu mar kale kugu soo dhaweeyo gurigaaga labaad.

 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

#Burundi

Wakaalada Warka Itoobiya
2015