Laga soo bilaabo Midnimo-Afrikaanimo ilaa Iskaashi Dhaqaale – Geedigii 60-ka sano ee diblomaasiyadda Itoobiya iyo Burundi - ENA Af-Soomaali
Laga soo bilaabo Midnimo-Afrikaanimo ilaa Iskaashi Dhaqaale – Geedigii 60-ka sano ee diblomaasiyadda Itoobiya iyo Burundi
Qalinka: Muuse Malasa
Turjumaada: Cabdifataax Cabdiraxmaan
Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Burundi wuxuu soo bilaabmay xilli Afrika ay si adag ugu jirtay halgankii ka dhanka ahaa gumeysiga. Sida ay caddeeyaan qoraallada taariikhda, Itoobiya oo astaan u ahayd xorriyadda dadka madow, waxay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ula bilaaba xiriir Burundi markii ay ka xorowday gumeystihii Belgium sanadkii 1962.
Xiriirkan wuxuu ku dhisnaa ruuxdii Midnimada-Afrikaanimada iyo mabda’a ahaa “xal Afrika u gaar ah dhibaatooyinka Afrika.” Labada dal waxay door wadajir ah ku lahaayeen aasaaskii Ururka Midnimada Afrika (Organization of African Unity), taas oo saldhig adag u noqotay walaaltinimada sii socotay.
Boqor Xayle Silaase I iyo Boqorkii ugu horreeyay ee Burundi Mwaami Mwambutsihii Afaraad waxay dhiseen xiriir dhow oo ku saleysan aragti ah in dalalka Afrika ee ka baxaya gumeysiga lagu mideeyo madal qaaradeed.
Itoobiya waxay si weyn u taageertay ka qaybgalka Burundi ee aasaaskii OAU ee ka dhacay Addis Ababa sanadkii 1963, taas oo maanta loo yaqaan Midowga Afrika (African Union)
Xilligaas, xiriirka labada dal wuxuu diiradda saarayay la dagaallanka gumeysiga iyo ajandayaasha qaaradeed.
Itoobiya waxay door weyn ka qaadatay geeddi-socodkii nabadda Burundi, gaar ahaan joojinta dagaalkii sokeeye iyo ka qaybgalka howlgalka nabad ilaalinta ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Burundi (African Union Mission in Burundi, AMIB). Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee si buuxda ay Afrika u maamusho.
Itoobiya, iyadoo la kaashaneysa Koonfur Afrika iyo Mosaambiig, waxay dirtay ciidan tiro badan oo ka shaqeeyay ilaalinta xabbad joojinta, hub ka dhigista maleeshiyaadka, iyo dib ugu celinta bulshada (DDR).
Markii howlgalku u wareegay Qaramada Midoobay, ciidamada Itoobiya waxay sii wadeen doorkooda gudaha Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Burundi (United Nations Operation in Burundi, ONUB), taas oo muujisay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka.
Diblomaasiyad ahaan, Itoobiya waxay door ka qaadatay hirgelinta Heshiiskii Nabadda ee Arusha iyada oo la kaashaneysa Urur-gobaleedka Iskaashiga Dowladaha ee Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) iyo Midowga Afrika.
Saaxiibtinimada ku dhisneyd Midnimada-Afrikaanimada ayaa si tartiib ah ugu fidday dhinacyo kale. Horaantii 1970-meeyadii, labada dal waxay saxiixeen heshiisyo ganacsi iyo dhaqan.
Sanadkii 2023, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu booqasho rasmi ah ku tagay Burundi, halkaas oo uu wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Burundi Efariste Ndayishimiye. Wadahadalladu waxay diiradda saareen ganacsiga, maalgashiga, beeraha, duulista, iyo nabadda gobolka.
Burundi waxay muujisay danayn ay ku qaadaneyso khibradda Itoobiya ee wax soo saarka qamadiga iyo barnaamijka cagaaran.
Waxaa la go’aamiyay in la dhiso guddiyaal fududeeya ganacsiga, halka Itoobiya ballan qaaday taageero dhinaca TVET-ka ah. Sidoo kale, Guddiga Wadajirka ee Wasiirrada (JMC) ayaa la faray inuu si joogto ah ula socdo hirgelinta heshiisyada.
Sanadkii 2021, Madaxweyne Ndayishimiye wuxuu soo booqday Itoobiya, waxaana la qabtay kulankii ugu horreeyay ee JMC. Waxaa la saxiixay heshiisyo la xiriira beeraha, dalxiiska, iyo waxbarashada.
Sanadkii 2023, Baarlamaanka Burundi waxay ansixisay Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Webiga Niil (CFA), taas oo Itoobiya ay u aragtay guul diblomaasiyadeed.
Madaxweynihii hore ee Burundi Bierre Nkurunsisa ayaa booqday Itoobiya sanadkii 2012, labo sano kadibna Burundi waxay safaarad ka furatay Addis Ababa.
Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan canshuur ka dhaafid laba-jeer, maalgashi, gaadiidka cirka, waxbarashada, caafimaadka, difaaca, tiknoolojiyadda casriga ah, dhaqanka iyo ciyaaraha.
Kalfadhigii labaad ee Golaha Wadajirka ah ee Wasiirada ayaa ka dhacay Addis Ababa Cuur 29 iyo 30, 2018 T.I, waxaana wada hoggaamiyay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal: Gedhiyoon Timootiwoos iyo Albert Shingiro.
Heshiisyada waxaa diiradda lagu saaray ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda gaar ahaan Garaadka Macmalka ah (AI), wax soo saarka beeraha, duulista, iyo amniga gobolka, iyadoo lagu saleynayo mabda’a Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (African Continental Free Trade Area, AfCFTA).
Waxaa la filayaa in iskaashiga laba geesoodka ah ee mustaqbalka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Burundi uu diiradda saaro qaybo badan, isla markaana uu u gudbo heer iskaashi istaraatiiji ah oo ka sarreeya kan hadda jira.
Booqashada Madaxweynaha Evariste Ndayishimiye iyo go’aannada ka soo baxay Guddiga Wadajirka ah ee Wasiirrada, waxay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta xiriirka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee adag ee labada dal u dhexeeya sannadada soo socda.
Maanta, Madaxweynaha Burundi Efariste Ndayishimiye oo ah Guddoomiyaha xilka haya ee Midowga Afrika, ayaa booqasho shaqo ku yimid Addis Ababa, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Temesgen Tiruneh.
Inta uu joogo Itoobiya, waxaa la filayaa in laga wada hadlo arrimo kor u qaadaya xiriirka labada dal ilaa heer sare.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya