Booliska Federaalka Itoobiya oo Gacanta ku Dhigay Shabakad Khatar ah oo Caalmai ah taas oo Dadka Tahriibin jirtay in badanna la Raadinayay.

Addis Ababa; Cuur 28/2018 (ENA): Booliska Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay nin si caalami ah loo raadinayay oo lagu magacaabo Yitbarek Dawit Alemu oo sidoo kale loo yaqaan Kibhrom, kaas oo ka mid ahaa shabakad weyn oo tahriibin sharci darro ah ka shaqaynaysay.

Boolisku wuxuu sheegay in ninkan iyo 9 kale oo la shaqaynayay la qabtay, kadibna baaritaankooda la soo gabagabeeyay loona gudbiyay xeer ilaalinta.

Baaritaankan adag oo la xiriira dambiyo xuduudaha ka gudba ayaa lagu sameeyay iskaashi lala yeeshay hay’adda ROCK, taas oo ka shaqeysa la dagaallanka tahriibka dadka ee Bariga Afrika. Ninkan ayaa lagu qabtay magaalada Shire ee Deegaanka Tigray.

Boolisku wuxuu xaqiijiyay in eedeysanaha uu isticmaalayay magacyo kala duwan dalal kala duwan, taasoo adkaysay raadintiisa, balse ugu dambayn lagu helay teknoolojiyad casri ah iyo baaritaan dheer.

Kiiskan wuxuu muujinayaa dambiyo aad u culus: In ka badan 3,000 qof ayuu si sharci darro ah u tahriibiyay, In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, In ka badan 50 haween ah ayaa la kufsaday

Sidoo kale, kooxdan waxay dadka u qaadi jireen dalka Libya, halkaas oo Lagu xidhay meelo qarsoon Looga dalban jiray lacago madax furasho ah qoysaskooda Lagu jirdili jiray si aad u xun garaacid, gubid, iyo silsiladayn.

Boolisku wuxuu sheegay in: Kooxdu ay lahayd ugu yaraan 5 xabsi oo qarsoon gudaha Libya, In ka badan 3 bilyan oo birr ay ka heleen falalkan sharci darrada ah

Waxaa sidoo kale la qaaday tallaabooyin: Lagu xayiray hantidii ay heleen, Lagu joojiyay lacagihii bangiyada ku jiray, Boolisku wuxuu ka qaaday marag-fur, In ka badan 100 dhibbane iyo qoysaskooda, Dad ku kala sugan dalal badan sida Sudan, Beljiyam, UK, Kanada, Norwey iyo kuwo kale.

Ugu dambayn, Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto la dagaallanka dambiyada noocan ah, iyadoo adeegsanaysa teknoolojiyad casri ah iyo iskaashi caalami ah.

Waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan booliska, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dambiyada, si loo ilaaliyo nabadgelyada bulshada.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015